Maxaa ka dhaqan galay amarkii uu soo saaray Fahad Yaasiin ee ahaa in laga guuro dhismaha Villa Somalia?

Maxaa ka dhaqan galay amarkii uu soo saaray Fahad Yaasiin ee ahaa in laga guuro dhismaha Villa Somalia?

daajis.com:- Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin ayaa dhawaan amar uu soo saaray ku faray in 14-maalmood gudahood looga guuro dhismaha madaxtooyada  Villa Soomaaliya si dhiso.

Amarka Agaasimaha Madaxtooyada ayaa ku eg maanta oo talaado ah oo taariikhda ay ku beegan tahay 21-bisha Agosto,waxaana soo baxaya warar sheegaya inuusan wali dhaqan gelin amarkaasi.

Amarkan ayaa saameynaya dhamaan dadka degan dhismayaasha Madaxtooyada oo isugu jira Wasaarado, Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin horay xilal u soo qabtay, kuwaasoo degenaa Madaxtooyada 7-dii sano ee u dambeysay.

Wararka laga helayo Madaxtooyada ayaa sheegaya in xubnaha lagu amray inay Madaxtooyada ka guuraan ay muran ka keeneen, su’aalna geliyeen waxa xilligan ku soo beegay amarka, waxaana qaarkood ay dalbadeen in muddo la siiyo.

Sidoo kale Xildhibaano qaar ee degan Madaxtooyada ayaa la sheegay in Madaxweynaha ay dacwad u gudbiyeen, iyagoo ku dooday in tan iyo dowladdii KMG ay degenaayeen, isla markaana aanay jirin cid ku amartay inay guuraan, waxaana qaarkood ay sheegeen in aanay heysan meel ay degaan.
Agaasimaha Madaxtooyada ayaa 6-dii bishan Agosto soo saaray amar uu ku farayo dadka degan Madaxtooyad in muddo 14 maalmood gudahood looga guuro, si loo bilaabo dhiso dhismayaasha qaar oo aan muddo wax dayactir helin, qaarkoodna ku yaalla banaanka Xafiiska Madaxweynaha.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada