MUUQAAL: Donald Trump oo Luuqad adag uga hadlay Kooxo Cadaan ah oo Rabshado ka dhigay gobolka Virginia

MUUQAAL: Donald Trump oo Luuqad adag uga hadlay Kooxo Cadaan ah oo Rabshado ka dhigay gobolka Virginia

daajis.com:- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa marki ugu horreysay Isniinti si rasmi ah u cambaareeyey kooxaha ay la weyntahay caddaanimada ee dhawaan rabshadaha ka sameeyey magaalada Charlottesville ee gobolka Virginia.

Hadalka madaxweyne Turmp ayaa yimid kadib marki ay qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo hogaamiyaasha xisbiyada Jamhuuriyga iyo dimoqraadigaku cambaareeyeen inuusan si toos ah u dhaleeceyn kooxaha caddaanka xagjirka ah ee mudaaharaadka qalalaasaha watay ka dhigay Virginia.

Trump ayaa carrabaabay sadex koox oo kala Naaziyiinta Cusub, Ku Klux Klan (KKK) iyo white supremacists. Wuxuu ku tilmaamay inay yihiin danbiilayaal qaswadayaal ah oo ku ciyaaray qiimaha Mareykanka.


Trump ayaa ballan qaaday in maxkamad lasoo taagi doono kooxihi ka danbeeyey rabshadihi dhiiga ku daatay ee Sabtidii ka dhacay magaalada Charlettsvile.

“Waaxda caddaalada waxay furtay baaritaan xuquuqda madaniga ah oo ku saabsan weerarki baabuur ee lagu dilay qof rayid Mareykan ah laguna dhaawacay 20 kale. Qof walbaa oo ku lug lahaa faldanbiyeedki dhamaadki todobaadki hore ogow waa lagula xisaabtami doonaa, caddaaladda ayaana shaqeyn doonta.”

Halqof oo rayid ah ayaa ku dhintay 19 kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib marki nin lagu magacaabo James Alex Fields Jr uu si ulakac ah u jiirsiiyey baabuur uu watay kooxo iska soo horjeeday oo Sabtidi hore ku mudaaharaadayey magaalada Charlottesville ee gobolka Virginia.

Arrintaasi ayaa caro weyn ka dhalisay siyaasiyiinta iyo guud ahaan shacabka Mareykanka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada