Roobow oo laga dalbaday sameynta hal Arrin oo lagu ilaawi karo wuxuu gaystay Iyo Fursad hor taala Dawlada (Waraysi)

Roobow oo laga dalbaday sameynta hal Arrin oo lagu ilaawi karo wuxuu gaystay Iyo Fursad hor taala Dawlada (Waraysi)

daajis.com:-Cabdullaahi Sheekh Xasan oo ah Wasiirka Dastuurka Maamulka Koonfur Galbeed Somalia, ayaa ka hadlay isa soo dhiibida wadaadka Mukhtaar Roobow oo ku jira gacanta dowlada Federaalka.

Cabdullaahi Sheekh Xasan, ayaa sheegay in is dhiibida Mukhtaar Roobow ay kusoo aaday xili munaasib ah, isla markaana ay gabaabsi yihiin Al-shabaab.

Cabdullaahi Sheekh Xasan, waxa uu tilmaamay in isa soo dhiibida Roobow ay waxbadan kusoo biirineyso dowlada Somalia, waxa uuna cadeeyay in dhabar Jab ay u tahay Al-shabaab, Wuxuuna waxa uu ku baaqay in dowlada Federaalka ay ka faa’iideysato Mukhtaar Roobow, oo miisaan ku dhex lahaa Shabaab.


Sidoo kale, Wasiir Cabdullaahi Sheekh Xasan, ayaa Mukhtaar Roobow ugu baaqay in marka hore uu cafis ka dalbado Shacabka Soomaaliyeed waxa uuna xasuusiyay inuu dib usoo xasuusto wixii danbi ah ee ka dhacay mudada uu ka tirsanaa Shabaab.

Waxa uu intaa raaciyay in khaladaadka ugu badan uu ka galay dadka Shacabka, sidaa aawgeedna ay khasab ku tahay inuu Cafis ka dalbado shacabka Muqdisho oo uu sheegay inuu dhibaateeyay inta uu ahaa Shabaabka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada