Tunis: Madaxweyne Sibsi oo simaya dhaxalka ragga iyo haweenka, Akhriso xusuusta Somalia

Tunis: Madaxweyne Sibsi oo simaya dhaxalka ragga iyo haweenka, Akhriso xusuusta Somalia

daajis.com:- Madaxweynaha Tunis Baaji Qaa’id Sibsi ayaa todobaadkii hore dalbaday in isbadal lagu sameeyo sharciyada dalkaasi gaar ahaan dhaxalka iyo guurka,  isaga oo soo jeediyay in la simmo dhaxalka raga iyo haweenka, waxaa kale oo dalabkiisa ka mid ahaa in haweenka muslimka ah ay guursan karaan ragga aan muslimiinta aheyn!!

Mr. Sibsi oo ka hadlayey maalinta haweenka ayaa intaa raaciyay in go’aankiisa aanu ka hor imaaneyn diinta Islaamka iyo dastuurka dalkaasi.

Madaxweynaha Tunis Baaji Qaa’id Sibsi, waa aasaasaha xisbiga Nidaa Tunis, oo ah xisbi calmaani ah, waxaa uu sheegay in bulshada danteeda ku jiro go’aan ka gaarista arrimaha xasaasiga ah sida dhaxalka.

Hadalka Sibsi, waxaa ka carooday culimo badan, oo uu ku jiro Muftigii hore, waxaa kale oo aad uga soo horjeestay hey’adda Al-Azhar oo hey’adda islaamiga ah.

Gudaha Tunis, waxaa aad loogu kala duwan yahay arrinkan, islaamiyiinta waa ay ka soo horjeedaan, waxaase si weyn u taageersan Calmaaniyiinta iyo inta neceb Islaamka.

Arrimaha iyo go’aannada Calmaaniyadda kuma cusba Tunis, madaxweynihii hore ee dalkaasi Burqiiba, waxaa uu xilligiisa sheegay in Salaadda ay dadka ka hor istaagto shaqada, waxaa kale uu dhaqan geliyay go’aanno waalli ah.

Xisbiga Nahda ee Ikhwaanka, waxaa uu talada dalkaasi hayey 2011-2013-kii, xisbigan oo markii dambe ka tanaasulay xukunka, waa midka la filayo in uu go’aan ka qaato hadalka Sibsi.

In kasta oo xisbiga Nahda ee  uu sheegay in uu kala saarayo dacwada iyo siyaasadda, isaga oo 2015-kii wixii ka dambeeyay is daayey ereyga Islaamka, una batay dhanka dimoqoraadiyadda hadana waxay dad badan qabaan in uu ka hadlo arrintan.

Soomaaliya: Go’aanka Madaxweynaha Tunis, waxaa uu na xasuusinayaa, sida Soomaaliya ay aheyd 1970-1975-tii, kolkaas oo uu dalka ka dhacay loolankii ugu darnaa ee Calmaaniyadda iyo Islaamiyiinta.

Akhriso: Soomaaliya 1970-1975:

November 25, 1970-kii, Siyaad Barre waxaa uu soo saaray Dekereeto qodobadeeda ay ka mid ahaayeen: In dalka lagu dhaqayo Hantiwadaaga Cilmiga ku saleysan, Hanti wadaaga waa mid ka tarjumaya aragtida Soomaaliya ee Hanti wadaaga, Waxaa la xushmeyanayaa Diinta dalka iyadoo aan laga ogolaan doonin Kooxaha qaar aragtida marin habaabiyaan, waxaa kaloo la xushmeynayaa hantida gaar waa haddii aan dadka si qaldan looga faa’ideysan, waxaa la dhiirigalinayaa iskaashatooyinka iyo wax wada qabsiga iyo hormarinta cadaaladda, sinaanta iyo Nabadda.

Maxamed Siyaad waxaa uu sheegay in xeerarka laga keenay, aragtidiisa, Tan Marxist principles iyo Islaamka, isagoo intaa ku daray in Hantiwadaaga aanu diin aheyn, aanu aheyn Sanam balse ay tahay aragti dhaqaale iyo mid siyaasadeed.

Jaalle Siyaad waxaa ay isku dhaceen Islaamiyiinta Soomaaliya, intii fikirkiisa raacday waxaa uu ula dhaqmay si wacan halka Culimada kasoo hor jeesatay si xun u bah-dilay.

Dhacdooyin la xasuusto:

11 January 1975 Madaxweyne Maxamed Siyaad ayaa soo saaray Xeerla Qoyska(New Family Law) isagoo simmay dhaxalka raga iyo haweenka.

Culimo Soomaaliyeed ayaa ka dhiidhiyeen sharci ay soo rogtey xukuumadii Siyaad Barre ; sharcigaas oo ka hor imaneyey Qur’aanka (Xukunka Allah). Maadaama ay dadka Soomaaliyeed oo 100% muslim sunni ah u cuntami weydey xukunkaas ayey culimadu gadoodeen; waxaana loogu jawaabey in toban culimadii ka mid ah lagu xukumay dil; waxaana culimadaasi Muqdisho lagu toogtey 23 January 1975 .
Culumadaas waxay kala ahaayeen: Adan Cali Xirsi, Cali Jamac Xirsi, Cali Xassan Warsame, Sheikh Axmed Sheikh Mohamed, Sheikh Axmed Iman, Xassan Issa Iley, Mumammad Ziyad Xirsi, Sheikh Muuse Yusuf, Suleuman Jamac Muhammad iyo Yasin Cilmi Awl.

Culimo badan oo aan kala sheekeystay saameynta arrinkaasi ka dhalatay, waxaa ay qabaan in Soomaaliya ay burburtay maalinta uu Siyaad Barre dagaal la galay Ilaahey, culimadiisana uu laayey…..Tunis, ma waddadaas ayey mari doontaa?

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada