DEG DEG: Golaha Wasiirada Somalia oo Ansixiyey Go,aanka Xukuumadu Ka qaadatay Arrinta Qalbi Dhagax

DEG DEG: Golaha Wasiirada Somalia oo Ansixiyey Go,aanka Xukuumadu Ka qaadatay Arrinta Qalbi Dhagax

daajis.com:-Xukuumada Soomaaliya ayaa goor dhaw go’aan ka qaadatay kiiskii C/kariin Qalbi Dhagax ka dib kulan saacado badan qaatay oo golaha Wasiirada ay Muqdisho ku yeesheen.

Kulanka oo goor dhaw soo dhamaaday ayaa waxaa Xukuumada Soomaaliya ay shaacisay in Qalbi Dhagax uu ahaa Nin Argagixiso ah oo Nabad diid ah kaasi oo falal amni daro ka waday Soomaaliya.

Golaha Wasiirada ayaa la sheegay inay gacan taag ugu codeeyeen go’aanka dowladda ka qaadatay kiiskaas iyo inuu jiray heshiis hore, waxaana la sheegay inay jiraan Wasiiro ka aamusay iyo kuwa diiday go’aankaas.

Xubnaha Golaha Wasiirada Shirkooda oo qaatay saacado badan, ayaa intii uu shirka socday waxaa lagu lafa guray arrimaha ku aadan Kiiska Qalbi Dhagax oo xubnaha Wasiirada Somaliya ay ka doodayeen dhiibistiisa inay sax aheyd iyo inay qalad aheyd.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliya C/raxmaa Yariisow oo Saxaafadda kula hadlay banaanka Xafiiska Raiisal Wasaaraha dalka, ayaa sheegay Dowladda Somaliya inay isku raacday in ONLF ay yihiin Urur argagixiso.

Wuxuu sheegay dhiibistii Dowladda Federalka Somaliya ay dhiibtay C/kariin Qalbi Dhagax inay aheyd heshiis horay labada Dowladood ay u kala saxiixdeen, taasi oo uu saxiixay Mahad Salaad oo horay u ahaa Wasiiru Dowlihii Madaxtooyadda Dowladii Xasan Sheekh.

Wasiir Yariisow, ayaa sheegay ONLF iyo Shabaab inay yihiin laba Urur oo isku mid ah Dowladda Somaliyana si adag ay ula dagaalameyso.
Kiiska Qalbi Dhagax oo muddooyinkaan dambe hareeyay Dowladda Federalka Somaliya ayaa ugu dambeyn Dowladda maanta banaanka ay soo dhigtay fekerkii ay ka qabtay arintaasi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada