MUUQAAL: Amiirka Dalka Qadar oo soo Dhowayn yaab leh kala kulmay dalkiisa, iyo Soomaali ka dareen Celisay

MUUQAAL: Amiirka Dalka Qadar oo soo Dhowayn yaab leh kala kulmay dalkiisa, iyo Soomaali ka dareen Celisay

daajis.com:- Waxaa Guud ahaanba dalka Qadar siwayn looga dareemay soo dhowaynta Amiirka Dalka Qadar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thani, oo dib uga soo noqday dalka Maraykanka oo uu uga Qayb galay Shirka Golaha Qaramada Midoobay.


Soo dhowaynta Amiirka waxaa maanta ka qayb qaatay Muwaadiinta u dhashay dalka Qadar, iyo Jaaliyadaha kala duwan ee ku dhaqan dalka Qadar, Kuwaasi oo lagu Qiyaaso inay yihiin Boqolkiiba in ka badan 80, Waxaana Munaasibadan ka dhex Muuqanayey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qadar.

Kumanaan kamid ah Shacabka ayaa isugu yimid Wadooyinka, Gaar ahaan Halka lagu magacaabo Koroniishka, Iyadoona ay ku muujinayeen Shucuubtooda iyo Taageerada ay u hayaan Amiirka dalka Qadar.

Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thani Amiirka dalka Qadar ayaa markuu Halkaasi soo gaadhay, Wuxuu Bulshada uga mahad celiyey soo dhowaynta diiran ee loo sameeyay, Waxaana Xusid Mudan in Taageerada Amiirku ay Korodhay Tan iyo markii Cuna qabataynta ay saareen dalka Qadar Xulufada uu Hogaaminayo Suduuciga.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada