Daawo Prof Axmed Samatar oo fagaare ka sheegay in Muuse Biixi yahay Gacan ku dhiigle iyo Wuxuu isagu ka yaqaano

Daawo Prof Axmed Samatar oo fagaare ka sheegay in Muuse Biixi yahay Gacan ku dhiigle iyo Wuxuu isagu ka yaqaano

daajis.com:- Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo markiii uu ku guuldaraystay  Kursiga Madaxwaynaha Soomaaliya Qaatay Siyaasada Somaliland, Kuna Biiray  Xisbiga Kulmiye ayaa Khudbad uu Xalay jeediyey wuxuu si yaab leh uga hadlay Waxa ay Bulshadu u taqaano muuse Cabdi iyo Wuuxu isagu ka bartay oo ka duwan  midaasi.


“Muuse Biixi Cabdi  waxaa dadku ku sheegaan  Inuu yahay Gacan ku Dhiigle dad dilay,    Sidoo kale inuu yahay Nin Qabyaaladiiste ah,  Sidoo kale waxaa la sheegaa inuu yahay Askari aan waxba dhegaysan “. Ayuu yidhi Samatar.

Hadaba Wuxuu sheegay inuu inuu Isagu dhankiisa ku arkay Muuse Biixi  Dhowr Qodob oo ka  duwan Kuwa Hore ee Dadku u Arkaan “Muuse  Inuu yahay Qof Qayb kasoo galay Ururkii SNM ee dagaalka la galay dawladii Dhexe oo mudan in lagu ammaano !,   Inuu Wasiir soo noqday oo uu yaqaano Khibrad sida loo maamulo Wasaarad,    Inuu yahay Qof Adkaysi badan,   Inuu yahay go’aan Qaadasho leh iyo inuu yahay Qof wax dhegaysta oo Aamin san in Dawladnimada kor loo Qaado”. Ayuu yidhi Prof. Samatar.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada