MUUQAAL: Shariif Xasan oo Kismaayo oo lagu soo dhoweeyay iyo Shirka Maamulada oo ka Furmaya Kismaayo

MUUQAAL: Shariif Xasan oo Kismaayo oo lagu soo dhoweeyay iyo Shirka Maamulada oo ka Furmaya Kismaayo

daajis.com:-  Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ee Soomaaliya Maxamed Maxamed Islaam ayaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kismaayo u yimid ka qayb galka shirka Dowlad Goboleedyada Soomaaliya.


Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay imaatinka wafdiga Koonfur Galbeed oo horudhac u ah madaxda kala duwan ee ka qayb galaysa shirka dhawaan ka furmaya Kismaayo.

Waxuu sheegay in uu rajaynayo in shirkaas uu miro dhalo isla markana uu muhiim u yahay Soomaaliya wax badan oo jirana lagu dhamayn doono.

Madoobe ayaa sheegay in gogoshan ay tahay mid wada hadal oo lagaga shaqaynayo sidii tuhunada jira loo dhamayn lahaa isla markana aanay jirin cid loola dan leeyahay ama lagu dhibaataynayo.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa dhankiisa bogaadiyay Jubbaland dadaalka ay ka gaysanayso nabadaynta iyo wada jirka umada isagoo sheegay in uu ku faraxsan yahay imaanshiyahiisa Kismaayo wax badana uu shirkaas ka rajaynayo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada