DAAWO: RW. Khayre oo Qaraxii Zoope ka hadlay iyo fariin uu shacabka u diray

DAAWO: RW. Khayre oo Qaraxii Zoope ka hadlay iyo fariin uu shacabka u diray

daajis.com:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe, kaasi oo dad fara badan ay ku dhamaadeen, Wuxuuna ku tilmaamay qaraxan inuu ahaa mid argagixiso oo muujinaya naxariis la’aanta Kooxaha nabad diidka, isagoo xusay in dhamaan dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay ay ahaayeen shacab aan waxba galabsan.


“Inaa lilaahi waa inaa Ileeyhi Raajicuun, Waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga diraayaa dhammaan qoysaskii iyo ehelladii ay ka geeriyoodeen dadkii ay weerarkii arxan darada ah u geysteen Shabaabku maanta, waxaan dhammaan umadda Soomaaliyeed mar kale xasuusinayaa inaan u gurmanno dadkii meesha wax ku noqday oo aan Alle u barino.

“Maanta qaraxii meesha ka dhacay waxa uu tilmaamayaa dhowr waxyaabood, koow waxa uu ahaa musiibo qaran oo aan rajeynayo in umadda Soomaaliyeed ay gacmaha isqabsan doonaan si aan uga soo kabsano.

Tan labaad waxa uu ahaa fariintii ugu dambeysay ee ay noosoo diraan kooxda Shabaab fariintaasoo aheyd inaanay ka naxeyn shacabka Soomaaliyeed, inaanay ka naxeyn carruur, inaanay ka naxeyn Hooyo, waayo waxa ay la beegsadeen meeshii ugu mashquulka badneyn Muqdisho”.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada