MUUQAAL: Faysal Waraabe oo Weerar Ku Qaaday DF-Soomaaliya iyo Turkiga, Kana Xanaaqay Beelihii ku shiray Burco

MUUQAAL: Faysal Waraabe oo Weerar Ku Qaaday DF-Soomaaliya iyo Turkiga, Kana Xanaaqay Beelihii ku shiray Burco

daajis.com:- Faysal Cali Waraabe oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeisa ayaa Wuxuu ka Waramay Safar uu ku gaadhay Itoobiya, Wuxuuna sheegay in Dalalka Reer Galbeedka ay u sheegeen Inaan Soomaaliya laga Qaadin Cunaqabataynta Hubka.


Isagoo ka hadalayey Wadahadalka DF-Somalia iyo maamulka Somaliland Ayuu  dhaliil u jeediyey Dawladda Turkiga isagoo Xusay inay Taageerto Dawladda Soomaaliya, Wuxuuna sheegay inay Wel-wel ka qabaan Saldhiga Lagu Tababarayo Ciidanka Soomaaliya.

Dhinaca kale Faysal ayaa si cadho leh wuxuu uga hadlay Shirkii ay Burco ku yeesheen Beelaha Habarjeclo iyo Habar-Awal Kaasi oo lagu sheegay in Codka la siiyo Muuse Biixi, Islamarkaana hada Usii gudbay dhinaca Gobolka Sool, Wuxuuna sheegay in dib loogu Noqday Xiligii Qabyaaladda  ee 1994-tii, Wuxuuna eedayn dusha uga tuuray Madax dhaqameedka Beelaha.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada