Hey’addaha Amniga Dowladda Somalia oo Saacadaha Soo socda soo bandhigaya Baadhitaanka Qaraxii Soobe

Hey’addaha Amniga Dowladda Somalia oo Saacadaha Soo socda soo bandhigaya Baadhitaanka Qaraxii Soobe

daajis.com:- Hey’addaha ammaanka dowladda ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inay soo bandhigaan natiijada baaritaan horudhac ah oo ku saabsan qaraxii 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe, halkaasoo lagu dilay in ku dhow 300 oo ruux.

Inkastoo xalay lagu waday in la soo bandhigo baaritaanka weerarkaas, sida uu horay u shaaciyay Wasiirka Warfaafinta Eng. Yariisow, hadana waxaa ku yimid dib u dhac.

Wararka ayaa sheegaya in hey’adaha ammaanka ay gacanta ku hayana natiijada baaritaanka qaraxii Zoobe, isla markaana saacadaha soo socda lala wadaagi doono shacabka.

Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dad kala duwan oo la tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen qaraxa, waxaana dadkaas ka mid ah rag la sheegay inay damiinteen gaarigii xamuulka ahaa ee qaraxa fuliyay.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Al-Shabaab inay ka dambeyso qaraxii Isgoyska Zoobe ee lagu gumaaday shacab badan oo aan waxa galabsan, balse ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada