Mareykanka: Maxkamad ka hor Timid Mamnuucidii Trump ee 8-Dal (Daawo)

Mareykanka: Maxkamad ka hor Timid Mamnuucidii Trump ee 8-Dal (Daawo)

daajis.com:- Maxkamad ku taal dalka Mareykanka ayaa is hor-taagtay mamnuucidii Madaxweyne Donald Trump ku soo rogay muwaadiniinta 8 dal inay soo galaanMareykanka.


Maxkamad heer Federaal ah ayaa soo saaray amar si KMG loogu xadiddayo dhaqan gelinta amarka Madaxweyne Trump.

Amarka mamnuucistan ayaa ka dhan ahaa muwaadiniinta dalalka Iiraan, Liibiya, Suuriya, Yemen, Soomaaliya, Chad, Venezuela iyo Waqooyiga Kuuriya

Garsooraha Maxkamadda Federaalka ee Gobolka Hawaii ayaa sheegay in mamnuucida lagu soo rogay muwaadiniinta 8 dal ay tahay mid jabineysa shuruucda socdaalka dalka Mareykanka.

Sidoo kale waxaa uu ku dooday in aan la caddeyn in muwaadiniintaas ay khatar ku yihiin danaha dalka Mareykanka.

Donald Trump ayaa balan-qaadkiisii xilligii ololihii doorasho ahaa inuu Mareykanka ka mamnuuci doono qaar ka mid ah muwaadiniinta dalalka Muslimiinta.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada