Muftiga weyn ee Masar oo sifeeyay wuxuu salka ku hayo dagaalka Shabaab

Muftiga weyn ee Masar oo sifeeyay wuxuu salka ku hayo dagaalka Shabaab

daajis.com:- Dowlada Masar ayaa ka hadashay weerarada argagixiso ee kusoo noqnoqonaaya magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Dowlada Masar ayaa sheegtay in weerarada ka dhaca Somalia ay yihiin kuwo argagixiso oo la doonaayo inay soo afjaraan shacbiga Soomaaliyeed oo iyagu ay gaareyso dhibta ugu badan.

Muftiga weyn ee Jamhuuriyada Masar, Dr Shawqi Callam ayaa sheegay in maleeshiyaadka Alshabaab ay ku taamayaan inay soo gabagabeeyan guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed ee ku nool gudaha Somalia.

Muftiga ayaa tilmaamay in al-Shabaab ay ka halis badan tahay argagixisada kale ee ka dagaalanta geeska Africa iyo guud ahaan adduunka intiisa kale.

Qoraal uu soo saaray Muftiga dalkaasi waxa uu ku sheegay in waxa ka dhacaaya Somalia ay muujineyso in loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay u midooban Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.

Nuqul kamid ah qoraalka ayaa ahaa ”Somalia waxaa laga doonayaa inay u midooban nabadda, waxaan qireynaa inay sii kordhayaan halisaha ka imaanaya kooxaha argagixisada ah ee al-Shabaab”
Sidoo kale, Muftiga Masar, Dr Shawqi Callam, ayaa kooxda al-Shabaab ee dhibta kawada Somalia ugu yeeray inay ka fogaadan dhiiga qubanaaya ee alle agtii danbiga looga galaayo, sida uu hadalka u dhigay.

Dowlada Masar ayaa kamid ah dowladaha garabka u ah Somalia ee ka qeybqaata caawinaada dhanka bani’aadanimada iyo saanada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada