MUUQAAL: Wararkii ugu dambeeyey ee Weerarka Naasa Hablood & Al-shabaab oo War kasoo saaray

MUUQAAL: Wararkii ugu dambeeyey ee Weerarka Naasa Hablood & Al-shabaab oo War kasoo saaray

daajis.com:- Wararka ugu dambeeyay ee ka imaanayo Weerarkii lagu qaaday Hotel Naasa-Hablood ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinayo inay gudaha Hotelka ka dagaalamayaan kooxo ka tirsan Shabaab.


Ururka Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Weerarkaas, waxayna sheegeen inay Gudaha u galeen Hotelka kadib weerar ku bilowday is qarxin oo halkaas lala eegtay.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay halkaas ka dagaalamayaan Ciidamado ka tirsan isla markaasna ay ka wadaan howlgal culus, Sida goob-joogayaal ay xaqiijiyeen ilaa hadda dhimashada waa 10 qof, halka dhaawaca la sheegay inuu intaas ka badan yahay.

Dadka dhintay ayaa waxaa kamid ah Taliyayaal ka tirsan Ciidamada Dowladda iyo Xildhibaano hore oo aan weli magacyooda si rasmi ah loo helin Dadka waxyeelada soo gaartay ayaa waxaa kamid ah dad rayid ah oo saarnaa gawaari marayey iridda hore ee Hotelka.

Daqiiqado kadib ayaa waxaa isla goobtaas ka dhacay qarax kale oo aad u culus, waxaana weli halkaas laga maqlayaa rasaas culus oo ay is dhaafsanayaan Ciidamadii weerarka soo qaaday iyo kuwa dowladda Soomaaliya, Sidii caadada aheydna Al-shabaab ayaa weerarkaan kusoo aadiyey xilli galabka uu dhici rabay si ay ilaa habeenkii halkaas ugu sii jiraan.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada