Qiso Saaxiibkayga oo qaraxa ku dhintay markaan kala tagnay

Qiso Saaxiibkayga oo qaraxa ku dhintay markaan kala tagnay

daajis.com:- Isla markiiba niyadeyda waxaa kusoo dhacay sxbkeeyga ileen meesha qaruxu ka dhacay ayaan ku ogaa in uu aadayeee telkii baan soo qabsaday waxaana rabay in aan walalkeyga Omar Osman xaal wareeysto lkn nasiib xumo telkii ma uusan iigalin
Walwalkii baa igu zaaiday wax aan sameeyo ayaan garan waayay goobtiisa shaqadaan weeydiiyay waxeeyna iisheegeen in meeshii aan ku ogaa weli jiray telkiisane uusan hawada galeyn

Wax aan sameeyo ayaan garan waayay xaaladii goobta wax ka dhacayne aad beey ucusleeyd isla markii isbitaaladii ayaan u cararay si aan sxbkeeyga xaladiisa u ogaado isbitaal aanan tagin majirto dhawacyadii mid mid ubooqday asagiina waan ka waayay

Waxaan usii ruqansaday dhinacii ay musiibada ka dhacday ma aheeyn meel qalbi naxariis leh fiirin karay waxa meeshaa ka dhacay aad baan uga ilmeeyay walaalihii meeydkoodu laamiga daadsanaa
Lug walibo aan qaado waxaan ku istaagaayay calool wadada taalo ama maskax daadatay amaba dhiiga walaalaheeyga ileen meel waliboo aad martaa waxbaa yaalay oo katirsanaa jirarka walalihii mashaqadu ku dhacday

Ma aheyn meydadka daadsanaa wadada mid la fiirin karo ileen dadkii dhamaa weey wada gubteen nin iyo naagne weey adkeeyd in la kala saaro ama shaqsiga meyd ka maqanyahay ku adkeeyd in uu kala bixiyo rag iyo dumar ileen dadkii dhan weey wada gubteen

Waxaan ku qasbanaaday in sxbkeeyga hadii uu ku jiro dadkii gubtay aan fiiriyo anigoo meydadkii mid mid u dul istaagay weeyna igu adkaatay in aan qof ka aqoonsado

Walwalkii baa zaaid noqday ilimada indhaheeygane xad dhaaf beey aheyd

Sida nin waalan ookale baan marba dhinac u ordaayay lkn ima aysan suura galin in aan sxbkeeyga dhaawac ama dhimasho ku helo shalay ilaa hadeerna raadintiisa ku jiray

Cumar hadaad dhimatayne rabi ayan naxariistii jano kaaga baryaayaa wlhi weli kaama quursanin waxaan sugaayaa balantii aan laheeyn ee aheyd in aan meel isku raacno

Raadintii anigo ku guda jiro ayaa waxaan arkay gabar da’deedu aan ku qiyaasay 17 jir aan umaleeyay in ay iskuul ka timid in ay kala go’day kaliya qaarka dambe ka nooshahay towxiidkane afkeeda ku heeysato

Ilaahayoow adaa caadil ah yarabiiiiiiiiiiiiii

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada