Wasiirka Caafimaadka Turkiga & Saraakiil Caafimaad oo maanta kusoo wajahan Muqdisho

Wasiirka Caafimaadka Turkiga & Saraakiil Caafimaad oo maanta kusoo wajahan Muqdisho

daajis.com:- Waxaa lagu wadaa in maanta uu magaalada Muqdisho soo gaaro Wasiirka Caafimaadka Turkiga, Recep Akdag, oo ka qeybqaadan doona gurmadka musiibadii ka dhacday Isgooyska Zoobe.

Wasiirka ayaa waxaa socdaalkiisa Muqdisho ku wehlin doona Saraakiil Caafimaad oo gurmad u noqon doona dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobmay Qaraxa ay dhagar qabayaasha ka fuliyeen Muqdisho.

Wasiirka Caafimaadka Turkiga, Recep Akdag, ayaa waxa uu soo hogaamin doonaa diyaarad uu Turkiga u soo diray Magaalada Muqdisho, iyadoona la filaayo inay ka qaado dhaawacyada aan dalka waxba looga qaban karin.

Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumada Somalia ayaa xaqiijiyay in Wasiirka Caafimaadka Turkiga, Recep Akdag, uu la socdo diyaaradda lagu wado in ay dhaawacyada halista ahi ka daadgureyso Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Wasiirka Caafimaadka Turkiga, Recep Akdag, ayaa wada dawo loogu tallo galay in wax loogu qabto dhaawacyada kusii nagaan doona isbitaalada Muqdisho ee aan heysan dawo ku filan.
Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Turkiga, ayaa waxa uu amray in si deg deg ahi Magaalada Muqdisho loogu diro diyaarad sida agab caafimaad iyo dawo, si wax loogu qabto dadkii ku dhaawacmay ismiidaamintii ka dhacday Caasimadda Muqdisho.

Geesta kale, Dowladda Somaliya, ayaa xalay shaacisay in 276 ruux ay ku dhinteen qaraxii ismiidaaminta ee Sabtidii ruxay Isgoyska Zoope, halka 300 oo kalena ay ku dhaawacantay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada