Sawiro: Guddoomiye Taabid oo heshiis muhiim ah la saxiixday Hay’adda UNHCR

daajis.com:- Maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan UNHCR ayaa maanta waxa ay kala Saxiixdeen Heshiis Muhiim ah, waxaana dhinaca hay’adda UNHCR Heshiiskaasi goobjoog uga ahaa wakiilka hay’addaasi ee Soomaaliya haweeneyda lagu magacaabo kalin Fan baron .

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed oo heshiiska kadib la hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay in u jeedada ugu weyn ee heshiiskan ay wada gaareen ay tahay wada shaqeyn qoto dheer oo dhex marta labada dhinac.

Waxaana uu tilmaamay in Heshiiska  uu qeyb ka yahay dayactir ay hay’addu ku sameyn doonto Illaa 6 Iskuul oo ku yaalla qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana uu hoosta ka xariiqay in shacabka Muqdisho caruurtooda ay heli doonaan Waxbarasho Bilaash ah oo ku eg Dugsiga Dhexe, marka uu soo dhamaado dayactirka xarumahaasi.

Heshiiskan ay wada gaareen Maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’adda UNHCR ayaa waxaa uu muhiim u yahay bulshada Soomaaliyeed, maadaama waxyaabaha ay iska kaashan doonaan ay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa arrimaha Waxbarashada ee dalka.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan UNHCR ayaa waxa ay kala Saxiixdeen Heshiis Muhiim ah, waxaana dhinaca hay’adda UNHCR Heshiiskaasi goobjoog uga ahaa wakiilka hay’addaasi ee Soomaaliya haweeneyda lagu magacaabo kalin Fan baron .

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed oo heshiiska kadib la hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay in u jeedada ugu weyn ee heshiiskan ay wada gaareen ay tahay wada shaqeyn qoto dheer oo dhex marta labada dhinac.

Waxaana uu tilmaamay in Heshiiska  uu qeyb ka yahay dayactir ay hay’addu ku sameyn doonto Illaa 6 Iskuul oo ku yaalla qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana uu hoosta ka xariiqay in shacabka Muqdisho caruurtooda ay heli doonaan Waxbarasho Bilaash ah oo ku eg Dugsiga Dhexe, marka uu soo dhamaado dayactirka xarumahaasi.

Heshiiskan ay wada gaareen Maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’adda UNHCR ayaa waxaa uu muhiim u yahay bulshada Soomaaliyeed, maadaama waxyaabaha ay iska kaashan doonaan ay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa arrimaha Waxbarashada ee dalka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com

Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget

share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada