Wasiir Ducaale oo ka hadlay isbedelka Amniga ee ka jira magaalada Muqdisho

Wasiir Ducaale oo ka hadlay isbedelka Amniga ee ka jira magaalada Muqdisho

daajis.com:- Wasiirka amniga gudaha Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa ka hadlay halka uu maraayo dadaalka ay dowlada Federaalka Somalia ugu jirto xaqiijinta amniga magaalada Muqdisho.

Wasiir Ducaale, ayaa sheegay in Wasaaradiisu ay xooga saartay sida shacabka Muqdisho ay ugu noolaan lahaayen amni, waxa uuna cadeeyay in amniga uu yahay mid wanaagsan.

Wasiirka waxa uu Tilmaamay in amniga magaalada Muqdisho uu iminka yahay mid leysku haleynkaro, markii laga soo tago falal yaryar oo lagu daba joogo.

Ducaale ayaa sheegay in dowlada Federaalka ay ka adkaaneyso waxa uu ugu yeeray burcad diimeedka iyo nabadiidka kale, oo in muddo ahba dalka dhib badan ku haayay, sida uu yiri.

Ciidamo farabadan ayuu sheegay in la dhigay dhammaan goobaha ay maleeshiyada kasoo qaadi jirtay amni darida waxa, waxa uuna shakiga ka saaray in Alshabaab ay fulin karto falal amni darro.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha, Axmed Maxamed Maxamuud (Sayid Carab), ayaa sheegay in ammaanka Magaalada Muqdisho maanta la dhihi karo waa mid aad u wanaagsan.

Waxa uu Sayid Carab sheegay in Wasiirka Amniga uu ku celcelshay in Alshabaab si buuxda looga sifeyn doono dalka oo idil.

Sidoo kale, Afhayeenka, ayaa tilmaamay in la wiiqay awooddii mintidiinta Al Shabaab, isla markaana ay xilligan adag tahay inay galaangal u yeeshaan weeraro ay ka fuliyan Magaalada Muqdisho.

Haddalka Ducaale ayaa kusoo beegmaaya xili maleeshiyaadka Alshabaab ay ku goodiyeen inay laba jibaarayaan falalka amni darro oo ay ka geystaan magaalada Muqdisho.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada