Sawirro: Madaxdii Kismaayo ku shirsaneyd oo Goobweyn ku damaashadayo

Sawirro: Madaxdii Kismaayo ku shirsaneyd oo Goobweyn ku damaashadayo

daajis.com:- Madaxda Maamul Goboleedyada ee uu shirka uga soconayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ayaa gelinkii dambe ee maanta nasasho u tagey Deegaanka Goobweyn, oo 11km dhinaca waqooyi kaga toosan Magaalada Kismaayo.

Madaxda oo maalintii 3aad uu shir gaar ahi uga soconayo Xarunta kmg ee Jubbaland, ayaa u muuqday kuwa galabta ka nasanaayay shirka ay ku leeyihiin Magaalada Kismaayo.

Madaxweyne-yaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug & Puntland oo waqti ku qaatay Goobweyn, ayaa waxaa la arkayay iyagoo isugu marxabeynaya isu imaatinkooda Kismaayo.

Saacadaha soo socda, ayaa waxaa lagu wadaa in dhinacyadaasi ay shirkooda Kismaayo ka soo saaraan War Murtiyeed, haddii aanu waxba iska bedelin sida uu qorshuhu yahay.
Amniga Magaalada Kismaayo, ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo hakad la geliyay isu socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana suggida amniga iska kaashanaya Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Amisom.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 07:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada