Daawo: DF Soomaaliya oo la Wareegtay Ciidankii Imaaraadku uu Tababaray Iyo RW. Khayre oo la dar-daarmay

Daawo: DF Soomaaliya oo la Wareegtay Ciidankii Imaaraadku uu Tababaray Iyo RW. Khayre oo la dar-daarmay

daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa la dar-daarmay ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo ay tababareen isla markaana qalabeeyeen dawladda Imaaraadka Carabta, Kuwaasi oo ay la wareegtay Dawladda Soomaaliya.

Wuxuu ciidamada ugu hambalyeeyey sida wanaagsan ee ay ugu diyaar garoobeen xoreynta dalka. Waxuuna u sheegay in looga fadhiyo door lixaad leh iney ka qaataan ciribtirka kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Khayre ayaa xusay in dawladdu ay muhiimadda koowaad siineyso sidii ay xuquuq dhameystiran u heli lahaayeen ciidamadu, si ay u gutaan waajibaadka ka saaran difaaca dalkooda.


Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan CIiidanka Xoogga dalka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada