Wararkii ugu dambeeyay Shirka Villa Soomaaliya uga socda DFS iyo M/Goboleedyada

Wararkii ugu dambeeyay Shirka Villa Soomaaliya uga socda DFS iyo M/Goboleedyada

daajis.com:- Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka helay Madaxtooyada Soomaaliya waxa ay sheegayaan in wali shir uga socdaa Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul goboleedyada dalka, waxaana shirkan yahay mid xasaasi ah oon wali la isku waafaqin qodobada qaar.

Sida Qorshuhu ahaa Shirka ayaa lagu waday in maalintii shalay lasoo gabo gabeeyo, hasa ahaatee shirka ayaa wali socda waxaana la isku af garan la yahay qodobada qaar ee Madaxda kawada hadlayaan.

Madaxda Dowlada Federaalka  iyo kuwa Maamul goboleedyada ayaa isku afgartay kana heshiiyay qodobada qaar sida dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab iyo qodobo kale.

Labada dhinac ayaa wali isku afgaran la’ qodobo kale oo kamid ah kuwa la isku hayo sida arimaha Siyaasada iyo Dastuurka, qodobadan ayaana sabab u ah shirka sii dheeraado .
Qodobada la isku hayo ee uu jira Dastuurka waxaa kamid ah qodobka 53aad iyo qodobka 54aad oo kala sheegaya in dowladda Dhaxe ay tahay cida awooda u leh arrimaha dibadda, halka qodobka 53aad uu dhigayo go’aanada Masiiriga ah laga wadatashado.

Madaxda Maamul goboleedyada ayaa codsaday in shirka laga soo qeyb galiyo Wasiirka Dastuurka Xukuumada Soomaaliya si xal looga gaaro qodobada dastuurka ku jira ee la isku hayo.

Shirka ayaa la filayaa in lasoo gabo gabeeyo marka xal laga gaaro qodobada qaar ee la isku hayo, waxaana la filayaa in gabo gabada shirka laga soo saaro War Murtiyeed la isku waafaqsan yahay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada