DAAWO: Shacabka Pakistan oo Kacay Kadib Sharciga Doorashada oo Laga saaray Arinta Diinta iyo Waxa dhacay

DAAWO: Shacabka Pakistan oo Kacay Kadib Sharciga Doorashada oo Laga saaray Arinta Diinta iyo Waxa dhacay

daajis.com:-   Todobaadyadii lasoo dhaafay ayey kooxo kamid ah taageerayaasha xisbiyada Islaamiga ah mudaharaad ka wadeen caasimada Islambad kadib markii wax laga bedalay sharuucdii hore u yaalay ee xeerka doorashada iyo dowlada oo lagu eedeeyey inay faraha la gashay arrimaha diinta kadib markii wax laga bedalay xeerka dhaarinta murashaxiinta.

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhimatay iska horimaad Sabtidii  magaalada Islamabad ku dhexmaray ciidamada iyo shacabka mudaharaadka wada oo diiday inay baneeyaan wadooyinka waaweyn ee soogala caasimada oo ay xireen todobaadyadii lasoo dhaafay.

Xiisadan ayaa horaantii bishan ka dhalatay kadib markii xeerka doorashada dalkaasi wax laga bedalay, gaar ahaan Dhaarinta murashaxiinta oo ay kamid ahayd in murashaxa marka la dhaarinayo ay tahay inuu dhaar ku maro inuu yahay Muslim, Nebigiisana uu yahay nebi Maxamed SCW isla markaana uusan wax xariir ah lalaheyn mabhabta ama diinta Ahmediyada.


Xeerkan cusub ayaa laga saaray dhaarta qeybteeda danbe ee sida gaar ah murashaxa ugu dhaaranayo inuusan ka mid ahayn Ahmediyada ama Qadiani.

Arrintan ayey qaar kamid ah culumaa’udiina Pakistaan sheegeen inay tahay mid loo fasaxayo in Ahmediyada dalkaasi ay u tartami karaan xilalka sare ee dowlada, waxayna ku dhawaaqeen in la casilo Wasiirka qaabilsan Sharuucda Federaalka Pakistan Zahid Hamid oo isagu hindise sharciyeedkaasi soo gudbiyey.

Xukuumada Pakistaan ayaa sheegtay in la joojiyey hindise sharciyeedkan isla markaana dib looga noqday, balse kooxaha soo abaabulay mudaharaadyadan ayaa hada codsanaya in maxkamada la horkeeno Wasiirka iyo waliba in xukuumada dhamaanteed is casisho.

Banaanbaxyada ayaa sii balaartay maalmihii lasoo dhaafay iyadoo gebi ahaan hawada laga saaray telefishinada dalkaasi iyo baraha bulshada ku sheekaysato ee internetka, arrintaasi oo ay dowlada ku xakameenayso kacdoonkan.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale codsaday  in militariga Pakistaan ay gacan siiyaan Booliiska kadib markii booliiska ay awood u waayeen inay kala diraan kumanaanka qof ee xiray wadooyinka waaweyn ee caasimada Islamabad.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada