Daawo: Sheekh Umul “Maryan Qaasim haday isku casishay inyar oo masaakiin La siinayo Waxay aheyd in la caydhiyo”

Daawo: Sheekh Umul “Maryan Qaasim haday isku casishay inyar oo masaakiin La siinayo Waxay aheyd in la caydhiyo”

daajis.com:- Sheekh Umul oo kamid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa ka dhawaajiyey inay aheyd in xilka laga qaado haddii ay Wasiirkii Gargaarka Maryan Qaasim isku casishay in yar oo masaakiin la siinayey oo aan iyada loo dhiibin, Balse wuxuu sheegay inuusan Filaynin inay Arintaas darteed isku Casishay oo ay Jiraan howlo u gaar ah.


Sheekh Umul oo ka jawaabayey Su’aal lasoo waydiiyey oo aheyd ” Wasiirada is casishay soo suuragal maahan
inay wadaadada wadada u galeyn oo xilkii ka boobeyn”

Sheekh Umul ayaa sheegay inaysan isaga wax badan ka khuseyn haddii ay Wasiiradda isku casishay xil ay ka boobeen Wadaadada iyo Guddiga ay lacagta ku wareejiyeen.

Wuxuu sheegay Sheekh Umul in iyaga hantidii loogu deeqay dadkii Musiibada ku dhacday ay ku wareejiyeen Dowladda Soomaaliya iyo guddigii arrintaas loo xil saaray.

Wuxuu sheegay haddii ay dadkii uu lacagta ku wareejiyey ay dhaceyn xilkii Wasiir Maryan Qaasim ay iyaga arrintaas ka jawaabi doonaan, balse wuxuu sheegay inuu isaga xaqiijiyey inay Guddigaas ahaayeen dadkii loo xil saaray aruurinta deeqaha loogu talagalay dadkii ay musiibada ku dhacday.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada