Topnews: Askarigii Gabadha Kufsiga iyo Dhaawaca ugu gaystay Boosaaso oo Lagu Qabtay Kismaayo (Muuqaal)

Topnews: Askarigii Gabadha Kufsiga iyo Dhaawaca ugu gaystay Boosaaso oo Lagu Qabtay Kismaayo (Muuqaal)

daajis.com:-  Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidanka Ammaanka Gaar ahaan kuwa Sirdoonka Jubbaland ay Gacanta ku dhigeen Askari ka tirsan Ciidamada Puntland kaas oo fal kufsi iyo dhaawac ka geystay Boosaaso.


Wasaaaradda cadaalada iyo arrimaha diinta ee dowladda Puntland, ayaa shaacisay in gacanta lagu soo dhigay askarigii dhaawaca ugeystay gabadh dhalin yaro ah, oo ku sugnayd magaalada Boosaaso, xilli uu doonayay inuu tkufsi u geysto.

Agaasimaha guud ee wasaaradda cadaalada Maxamed Cali Faarax ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in askarigaan lagu qabtay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland, halkaasi oo uu u baxsaday kadib markii uu falkaan geystay.

“Ninkii gaystay isku dayga kufsiga kadibna gabadha xabada ku dhuftay waxaa lagu guulaystay in lagu qabto magaalada kismaayo, wasaaradda cadaalada Puntland oo kaashanaysa taliska madaxtooyada Puntland iyo sirdoonka Puntland iyo Jubaland laamahooda amniga ayaa ku guulaystay in danbiilaha gacanta lagu dhigo.” ayuu yidhi Maxamed Cali Faarax.

Wuxuu sheegay Maxamed Cali Faarax in danbiile inta uu danbi gaysto hadana isku daya inuu sharciga ka baxsado aysan dhicidoonin.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada