Warar dheeraad ah oo ku Saabsan Ninkii Weerarka ka Gaystay Gobolka Texas ee Maraykanka

Warar dheeraad ah oo ku Saabsan Ninkii Weerarka ka Gaystay Gobolka Texas ee Maraykanka

daajis.com:- Ciidammada cirka ee Maraykanka ayaa sheegay in ay baarayaan waxa u muuqda in ay ku guuldaraysteen in ay xogta qaran ku daraan taariikhda dambiilenimo ee Devin Patrick oo dad ku toogtay gobolka Texas.


Kelly oo horay uga soo mid noqday ciidammada cirka ayay maxkamadda ciidanku ku heshay 2012kii in uu tacadi u gaystay qoyskiisa, waxaana laga hor istaagay in uusan yeelanin, gadaninna hub.

Laakiin sannadkii hore ayay u suurtagashay in uu gato qorigii uu Axaddii u adeegsaday weerarkii uu ku qaaday kiniisadda ku taalla San Antonio.

Wuxuu dilay 26 ruux wuxuuna ka cararay goobii. Markii dambana waxaa isagoo mayd ah laga helay gaarigiisa.

Booliiska ayaa sheegay in uu u dhintay wax u muuqday xabbad uu isku dhuftay ka dib markii uu eryaday qof meesha iska taagnaa oo hubaysnaa.

War qoraal ah oo Isniintii soo baxay ayay ciidammada cirku ku sheegeen in “xogta hordhaca ah ay muujinayso tacadiga uu [Devin] Kelley ka gaystay gurigiisa aan loo gudbinin xarunta qaran ee dambiyada lagu kaydiyo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada