Xildhibaano kulan xasaasi ah ka yeeshay Fulinta Xukunkii Dilka Ahaa Ee Askarigii Dilay Wasiir Cabaas iyo Farmaajo oo la sheegay inuu..

Xildhibaano kulan xasaasi ah ka yeeshay Fulinta Xukunkii Dilka Ahaa Ee Askarigii Dilay Wasiir Cabaas iyo Farmaajo oo la sheegay inuu..

daajis.com:- Iyadoo aan weli la fulin dilkii lagu xukumayey Askarigii dilay Allaha u naxariistee Wasiirkii hore ee Howlaha Guud iyo Guryeynta Cabaas Siraaji ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay kulan xasaasi ah oo looga hadlayey arrintaas.

Kulankaan oo ahaa mid lagu dalbanayey in tiirka lasoo taago Caydiid oo ahaa askarigii dilay Wasiir Siraaji ayaa waxaa yeeshey  Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa laga  soo doortay deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya .

Kulankaas ayaa si weyn waxaa diiradda loogu saaray kiiska Wasiir Cabaas Siraaji oo noqday mid qaatay waqti dheer isla markaasna ay hareeyeen buuq iyo dacwo ka socoto shakhsiyaad ay isku heeb yihiin Askariga dilka geystay, Senotar Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka mid ah Xildhibanada Aqalka Sare ayaa kulanka kadib waxa uu Radio Dalsan uga warbixiyay qodobadii ay isla soo qaadeen iyo wixii ka soo baxay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid dabagal loogu sameynayay kiiskii dilka ahaa ee loo geystay Wasiirkii howlaha guud iyo guryenta Soomaaliya Cabaas Siraaji iyo in cadalad loo helo, Wax uu sheegay in arrintaan ay hakad gashay, isla markaana laga joogo mudo 7 Bilood ah xukunkii lagu riday Askarigii dilay Wasiir Cabaas iyo waxa loo fulin la’yahay.

Xildhbaanka ayaa intaas sii raaciyey in fulinta xukunkaan uu u xayiran yahay Madaweyne Farmaajo oo leh saxiixaha ugu dambeeyo ee fulinta dilalka ay xukunto Maxkamadda.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in dhawaan ay la kulmi doonaan Madaxweynaha Soomaaliya isla markana ay kala hadli doonaan sababta loo fulin la’yahay Xukunka lagu riday Askarigii dilay Cabaas Siraaji .







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada