Maraykanka oo joojiyay Gargaarkii uu siinayay ciidanka Milatariga Soomaliya

Maraykanka oo joojiyay Gargaarkii uu siinayay ciidanka Milatariga Soomaliya

daajis.com:- Dowlada Maraykanka ayaa joojisay gargaar cunto iyo shidaal isugu jirey oo ay u fidin jirtey ciidamada Milatariga sababo la xiriira musuqmaasuq,waxaana uu go’aankan yahay mid dharbaaxo ku ah Milatariga Soomaaliya xilli ciidamada AMISOM ay bilaabeen ka bixitaanka dalka Soomaaliya.

Maraykanka oo sidoo kale taakuleysa  Ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika oo gaaraya 22,000 oo askari ayaa aad uga carooday maamulada isku bedbedelay dalka  Soomaaliya in ay ku guuldareysteen inay dhisaan ciidamo qaran.

Joojinta gargaarka ay dowlada Maraykanka siiso ciidamada Soomaliya ayaa timid kadib markii la waayay meel ay jaan cirib dhigeen cunto iyo shidaal loogu deeqay ciidamada Soomaaliya sida ay daabacday wakaalada wararka Reuters oo arkay qoraalo Maraykanka iyo dowlada Soomaaliya ay isweydaarsadeen.

Sarkaal u hadlay Wasaarada Arrimaha Dibada Maraykanka ayaa sheegay in wadahadalo ay dhowaan yeesheen dowlada Maraykanka iyo dowlada federalka Soomaaliya ay isla garteen in ciidamada Milatariga Soomaaliyeed uu ku guuldareystay isla xisaabtan dhab ah ee gargaarka uu Maraykanku bixiyo.

“Waxaan ku soo koobeynaa gargaarka Maraykanka uu siiyo ciidamada dowlada Soomaaliya unugyo gaar ah kuwaasoo ciidamada Maraykanka Soomaaliya ku sugan ay ka warqabaan xaaladooda.”ayuu intaa sii raaciyay  sarkaalka u hadlay Wasaarada Arrimaha Dibada Maraykanka oo diiday in magaciisa la shaaciyo.

Sarkaalka u hadlay wasaarada arrimaha dibada Maraykanka oo ku sugan magaalada Washington ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan gargaarka ciidamo kooban oo ah ciidmada gaarka ah ee dowlada Soomaaliya waxayna ku dadaali doontaa dowlada Maraykanka inay la isku raaco qorshe dib loogu soo celin karo taageerida ciidamada Soomaaliya.

“Waa arrin run ah in laga wada hadlay  sida loo taageerada loo isticmaalo iyo qaabka loo qeybiyaba. Dowlada Federalka arrintan waa ay ku howlan tahay sidii xal loogaga gaari lahaa.”ayuu u sheegay wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Maxamed Musal wakaalada wararka Reuters.

Dukumintiyo ay saraakiisha Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya u direen dowlada Soomaaliya ayaa lagu arkay in mas’uuliyiinta Maraykanka ay aad uga xun yihiin in ciidamada Milatariga Soomaliya ay awoodi waayee inay meel ku sheegaan halka gargaarka cuntada ah la geeyay.

Sidoo kale dukumintiyada ayaa waxa muuqaal madow ay ka bixiyeen Milatariga Soomaaliya oo hareeyay musuqmaasuq maadaama ay awoodi waayeen inay quudiyaan ciidamada ama mushaar siiyaan iyadoo boqolaal malyan oo dollar lagu taageero.

Intii u dhexeysay May iyo June koox Maraykan iyo Somali isugu jira ayaa booqday lix saldhig ciidamo si ay u qiimeeyaan cuntada ay dowlada Maraykanka ugu deeqo ciidamo gaaraya shan kun oo askari inay gaarto iyo inkale.

“Ma aanan arag oo lagama helin tiradii badneyd ee cuntada ahayd ee loogu talogalay saldhig walba marka laga reebo labo xero oo kaliya.”ayay kooxda Maraykanka ee qiimeynta waday ay u qortay dowlada Soomaaliya.

Hal saldhig inkayar boqolkiiba shan ciidamada u diiwaangashan dowlada Soomaaliya ayaa joogtay,saldhigga ugu wanaagsanaa oo ahayd inay ku sugnaadaan 550 askari  waxaa ku sugnaa 160 askari oo kaliya kuwaasoo lixdan kamid ah ay haysteen hub.
Guddiga Maraykanka ee qiimeynta ku sameeyay ciidamada ayaa dhaliilay dareeska ciidamada ay haysteen waxayna ku sheegeen ciidamadii loo geeyay inay xirnaayeen darees cusub kuwaasoo u muuqday in ay ahaayeen bandhig oo kaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada