Ruushka oo lagu eedeeyay inuu jabiyay Cuna-qabatayntii la saaray K/Waqooyi

Ruushka oo lagu eedeeyay inuu jabiyay Cuna-qabatayntii la saaray K/Waqooyi

daajis.com:- Labo ka mid ah illo wareedyada ugu waaweyn ee dhanka ammniga ee Yurub ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in booyaddo shidaal oo Ruushka laga leeyahay ay dhawaan shidaal geeyeen Kuuriyada Waqooyi.

Shidaalka ayaa la sheegay in Markab Ruush ah uu ku wareejiyay markab kale oo ay leedahay mid Kuuriyada Waqooyi.

Tallaabadan ayaa noqoneyno mid jabineysa cunaqabateynaha hay’adda Qaramada Midoobay ee saaran Kuuriyada Waqooyi.

Illo wareedyadan ayaa sidoo kale sheegay in sirdoonka ciidamadda badda iyo sawiro lagu qaaday dayax gacameedka ay muujiyeen maraakiib ka howlgaleysay dekaddaha Ruushka ee badda Pacifi-ga.

Mid ka mid ah illo wareedayadan ayaaa sheegay in aan loo heyn cadeyn in xukuumada Ruushka ay ku luglahayd arrintaan.

Milkiilaha midka mid ah maraakiibta ayaa lagu eedeeyay inuu shidaal geeeyay Kuuriyada Waqooyi, balse waa uu beeniyay eedeymahaasi.
Marsii horeysay, ayaa waxaa soo baxay in Kuuriyada Kuunfureed ay qabatay Markab ka diiwaan gashan Shiinaha, kaasi oo looga shakiyay in sidaan oo kale uu shidaal u geeyay Kuuriyada Waqooyi.

Xigasho BBC

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada