Iran oo sheegtay in Burcad Badeedda Somalida ah ay taageero ka helaan Waddamo kale

Iran oo sheegtay in Burcad Badeedda Somalida ah ay taageero ka helaan Waddamo kale

daajis.com:- Dowladda Iraan ayaa sheegtay in awoodo kale oo waaweyn ay taageero siiyaan burcad Badeedda Soomaalida ah ee Xeebaha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya ka geysta afduubka Maraakiibta.

Hossein Khanzadi, oo ah Taliyaha Ciidamada la dagaallanka Burcad Badeedda Soomaaliya ayaa kulan uu uga qeybgelayay Magaalada Tehraan ee xarunta Dalka Iraan ka sheegay in Waddamo uusan carrabaabin ay taageeraan Burcad Badeedda Soomaalida si loogu adeegsado hoos u dhigidda dhaqaalaha Iraan.

Hossein Khanzadi,ayaa sheegay in Waddamo waaweyn ay qalab isgaarsiin,sirdoon iyo dhaqaaleba siiyaan burcad Badeedda Soomaalida ah,taas oo u fududeysa in ay qaadaan weerarro ka baxsan biyaha Soomaaliya.

Waxaa uu xusay in Iraan ay howlgalka la dagaallanka Burcad Badeedda ku biirtay Sanadkii 2008ddii ilaa xilligaasna ay ka mid ahayd 36 dal oo howlgal ka wada biyaha Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in tiro dhowr jeer ah la isku dayay inj hal talis ay sameystaan waddamada la dagaallanka Burcad Badeedda si hal meel looga wada jeesto,hayeeshee ay taas soconweysay markii Waddamada qaar ay diideen.
Shirkii ugu dambeeyay ee dalalkaas ay isugu tageen waxaa uu 2016kii ka dhacay Dalka Bengaladesh,waxaa heshiis ahna laguma gaarain,hayeeshee waxaa la isku afgartay in ay wada shaqeyn jirto,taas oo uu shaaciyay in ay hoos u dhigtay weerarradii Burcad Badeedda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada