DAAWO: Fadeexada ka dhalatay cod sir ah oo laga qabtay Sirdoonka Masar iyo Xiisada QUDUS ee Soo baxday

DAAWO: Fadeexada ka dhalatay cod sir ah oo laga qabtay Sirdoonka Masar iyo Xiisada QUDUS ee Soo baxday

daajis.com:-Telefishinada dalka Turkiga ayaa bilaabay inay siidaayaan cod sir ah oo laga duubay sarkaal ka tirsan sirdoonka Masar oo warbaahinta Masar ku cadaadinaya inaysan ka hadal xiisada Qudus iyo go’ aankii uu bishii hore gaaray Madaxweynaha Maraykanka Trump oo u aqoonsaday Qudus caasimada Israel.


Warkan ayaa ahaa mid markiisii ugu horeysay ay Sabtidii shaacisay jariirada New York Times ee Maraykanka laga leeyahay, waxaana lagu sheegay codkan in laga duubay sarkaal lagu magacaabo Kabtan Ashraf el-Kholi oo kamid ah sirdoonka Militariga Masar, ninkaasi oo khadka telefoonka ka wacay qaar kamid ah suxufiyiinta iyo daadihiyaasha barnaamijyada ka baxa telefishinada wadankaasi Masar.

Sarkaalkan ayaa isku dayey in barnaamijyada caanka ah ee ka baxa Telefishinada Masar aysan buun buunin waa siduu hadalka u dhigayee go’ aankii Donald Trump ee ku aadanaa magaalada Qudus.

Wuxuuna sarkaalkan sheegay in Masar aysan diyaar u ahayn kacdoon shacab iyo waliba dagaal ka dhan ah Israel, isagoona intaasi raaciyey in Falastiiniyiinta ku khasban yihiin go’aankan inay aqbalaan, wuxuuna sheegay in laga rabo Falastiiniyiinta inay ku qancaan magaalada ay hada xukumaan ee Ramallah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada