Sawiro: Nin Soomaali ah oo ka baxay Diinta Islamka kana mid noqday ragga is guursada!

Sawiro: Nin Soomaali ah oo ka baxay Diinta Islamka kana mid noqday ragga is guursada!

daajis.com:- Magaciisa waa Mahad Colaad, waa nin Soomaali ah, hadda waxa uu ku noolyahay dalka Maraykanka, kadib markii uu ka qaxay Afrika sababo la xiriira waxa uu aaminsanyahay iyo habka noloshiisa.

Reerka isaga dhalay, waa qoys Muslimiin ah, balse isaga waxa uu doortay diin la’aan, iyo sidoo kale in habka noloshala uu doortay in uu noqdo dadka isku jinsiga ah ee isguursada. Taasoo micnaheedu yahay in uu guursado nin kale.

Hooyadiis aad iyo aad ayay uga xumaatay dhaqanka wiilkeeda, waxayna ugu yeertay culumo iyo odayaal wacdiya, iyada oo kasoo celisay Maraykanka, keentayna Nairobi si dhaqancelin loogu sameeyo.

Balse Mahad oo buugaag badan oo moowduucyadan ku saabsan akhristay ayaa dhegaha ka furaystay wax kasta oo loo sheegayay, wuxuuna doortay in uu habka noloshiisa sii wato.

Waxa uu xiriir la sameeyay koox dad ah oo horey uga baxay diinta Islaamka oo ku nool Maraykanka.



Mahad oo waalidkiis dhaqancelin ahaan Afrika ugu soo celiyeen ayaa lala xiriiriyay wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka, taas oo ku faraxday in ay gacan siiso.

Mahad oo markaas ku sugnaa hoteel ku yaalla Islii , Nairobi ayaa habeenimo gaari lagula baxsaday, isaga oo baasaboorkiisa kasoo xaday qolkii ay hooyadiis huruday.

Markii uu saddex maalmood ku dhuumanayay guri uu leeyahay sargaal ka tirsan safaaradda Maraykanka ee Nairobi, ayaa diyaarad loo saaray Maraykanka, wuxuuna tagay magaalada New York, halkaas oo uu waxbarashadiisa ku qaatay.

Wixii ka dambeeyay 31-dii May, 2017-kii, lama uusan hadal, wax xiriirna lama uusan samaynin qoyskiisa.



Waxa uu ku dhashay dalka Kenya sanadkii 1997-dii, kadib markii ay qoyskiisa kasoo qaxeen Soomaaliya. Sanadkii 2001-dii ayay tageen dalka Maraykanka, gaar ahaan Minneapolis.

Mahad wuxuu sheegay in Kenya lagu soo celiyay si uu u barto diinta Islaamka, balse wuxuu sheegay in uu diinta dhan nacay markii qarax lagu weeraray meelo kale duwan oo Kenya dhexdeeda ah, islamarkaasna uu dhagaystay culumo ku doodaysa in weeraradaas ay qiil leeyihiin.

Markii qoyskooda ay ku laabteen Minnesota, Mahad waxa uu sheegay in uu akhriyay buugaag badan, isaga oo waalidkiis ka qarin jiray ciwaanka ama jaldiga buugaagta uu akhrinayo.

Buugaagta uu akhriyay waxaa ka mid ah kuwa ka hadlaya dadka aan diinta heysanin (Mulxidnimo).

Mahad aabihiis waxa uu ahaa macallin dhiga mandaraso lagu barto diinta Islaamka, hooyadiisna waxa ay u shaqaynaysay hay’ad aan dowli ahayn.

Waa kuu ka warhayaa in reerkiisa aysan marnaba ogolaan doonin habka uu nolosha ka doortay ee ah diin la’aanta iyo dhaqanka ragga isguursada ee uu sida cad u qirtay.

“Aniga oo ah qof dadka isku jinsiga ah ee isguursada, diin laawe ah, taas waxa ay si toos ah uga hor imaanaysaa dhaqankeyga iyo diinta aan asal ahaan heystay, mana ahan wax ay marnaba ogolaan doonaan qoyskeyga iyo qaraabadayda” ayuu yiri Mahad.

Hadda waxa uu dhigtaa jaamacad, wuxuuna doonayaa in uu mustaqbalka noqdo abukaate.

Balse xitaa marka uu banaanka marayo waxa uu ka cabsadaa in uu qof dabo socdo, dhibaatada loo geysan doono.

Booliiska waardiyeeya jaamacadiisa ayuu siiyay sawirada dadka ehelkiisa ah, isaga oo baqdin ka qaba in ay soo raadin doonaan, waxyeelana u geysan doonaan.
Sargaal u hadlay wasaarada arrimaha dibeda Maraykana ayaa sheegay in ay ka warhayaan in dhalinyaro Soomaaliyeed ay waalidkooda geeyaan Afrika, kadibna ku daraan iskuulaad uu sheegay ay dhalinyaradaasi kula kacaan xadgudubyo ay ka midyihiin uleyn iyo ciqaab kale oo xitaa inta badan aysan waalidka ka warhaynin.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada