13 Al-Shabaab ka tirsan oo ka baxsadey Guri Lagu hayey magaalada Garoowe !

13 Al-Shabaab ka tirsan oo ka baxsadey Guri Lagu hayey magaalada Garoowe !

daajis.com:- Wararka naga soo gaadhay magaalada Garoowe ayaa sheegaya in 13 ka tirsanaa dagaalyahanadii al-Shabaab ee lagu qabtey Suuj, Garmaal iyo weliba Garacad ay ka baxsadeen guri ku yaala magaalada Garoowe oo lagu hayey muddo dheer. Dhalinyaradan ayaa la sheegay in a ahaayeen caruur xiliga la qabanaayey ee ay dagaalka kula jireen Puntland, waxaana guriga loogu samaynayey wax loogu yeeray dhaqan-calin.

Guriga lagu hayey dhalinyarada baxsatey ayaa loogu yeeraa Safe House waxaana mashruuc ku qaatey, shirkad si gaar ah loo lee yahay waxaana ilaalo ka hayey askar aan dowli ahayn oo gaar ah Private Army.

Waxaa la sheegay in mid kamid ah dhalinyaradaas dib loo qabtey, halka 12 kii kale aan gacan lagu dhicin lamana oga in ay ku jiraan gudaha magaalada Garoowe iyo in ay ka baxsadeen.

Dadka qaarkiis ayaa ku eedaynaya shirkadda qaadatey qandaraaska lagu dhaqan celinaayo dhalinyaradan in ay ka dhigatey mashruuc aan dhamaan, warar kale ayaa sheegaya in qaar kamid ah kuwa gacanta ku hayey dhalinyaradan ay lacag ku bedelan jireen tiradooduna intaas ay ka badneyd.
Al-Shabaab-ka ka baxsadey guriga amnigooda lagu sugayey ee Safe House ayaa weji gabax ku ah maamulka Puntland waxaana la is weydiinayaa khatarta ay keeni karto arrintan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada