Qarax ka dhacay Meel ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya iyo Xarunta Baarlamaanka

Qarax ka dhacay Meel ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya iyo Xarunta Baarlamaanka

daajis.com:-  Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa ayaa ahaa mid gaari loogu xiray shaqsi la sheegay in uu ka mid yahay shaqaalaha mid ka mid ah wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya, oo weli aan xog rasmi ah laga bixin.

Dad goobta tegay ayaa waxa ay sheegeen in qaraxa uu ka dhacay goob ay ciidamada dowladda gaadiidka ku baaraan, waxana ku dhintay shaqsigii watay oo la sheegay in gaariga loogu soo xiray.

Isgoyska Sayidka ayaa ku dhow madaxtooyada Soomaaliya, wuxuuna ka mid yahay meelaha laga maamulo ammaanka Villa Somalia. Waxaa sidoo kale ku dhow oo isgoyska dhinac saaran xarunta baarlamanka.
Waxaa sidoo kale isgoyskan dhinac ka saaran xarunta Otto Otto ee xarumaha wasaaradda amniga iyo arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada