Madaxweynaha Soomaalida Itoobiya Musfate Cagjar oo kashifay in Somaliland laga soo abaabulo qaraxyada iyo Somaliland oo jawaabtay

Madaxweynaha Soomaalida Itoobiya Musfate Cagjar oo kashifay in Somaliland laga soo abaabulo qaraxyada iyo Somaliland oo jawaabtay

daajis.com:-   Xukuumadda Somaliland ayaa wax lala yaabo ku tilmaantay hadal dhawaan ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar, oo u ku sheegay in Somaliland laga abaabulo qaraxyo.

Mustafe Cagjar ayaa sheegay in meelo ay Somaliland ka mid tahay laga soo abaabulayo qaraxyo laga fuliyo Itoobiya, isagoo sheegay inay abaabulayaan dad ka tirsanaa nidaamkii hore ee Itoobiya.

Eedda Mustafe Cagjar

Madaxweyne Mustafe Cagjar, ayaa isagoo eeddo u jeedinaya Somaliland wuxuu yidhi  “Qaar baa jira meelahan jaarka ah Somaliland, Puntland iyo Jubaland jooga oo iyaguna wali soo abaabulaya qaraxyo oo xidhiidh la sameeyay Al-shabaab oo iyagana laga war hayo markaas iyada oo la raacayo booliska adduunka sidii arintaas loo wajihi lahaa ayaanu ka shaqaynaynaa, marnaba ma dhacayso dadkii masaakiinta ahaa ee halkan joogay dadkii ciqaabayay in hantidii ay boobeen ay la tagaan dibada ay ku noolaadaan oo ay meelahaas ku haystaan wax dhici karaysa maaha.”

Jawaabta Somaliland

Hase yeeshee Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, ayaa isagoo jooga magaalada Nayrobi ee dalka Kenya wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay eeddaas.

Waxaa Wasiirka oo u waramay telifishanka Bulsho uu yidhi  “Somaliland caalamka oo dhami waa uu u war hayaa oo waa la’la socdaa xaaladeeda meel ay argagixiso ka jirto maaha cida ugu weyn ee la dagaalantay ee ka saartay dalkeeda ee 27 sanadood maalin ayay wax ka dhaceen inta la og yahay caalamkuna waa uu la socdaa markaas qofkii arimahaas ka hadlaa waa qof ujeedo kale leh ama ay si kale ka noqotay.
Markaas arintaasi khalad u dhacdayaa iyo badheedh u dhacdayaaba waxaanu u aragnaa inay tahay arin aan meesha ku jirin oo khaldan.”

Wasiirka oo la waydiiyay inay arintaas caalamka kala hadleen arrintan waxa uu yidhi“Aritaas dawladu waa ay ka hadashay, waraaqo iyo si kaleba waa laga wada hadlay”

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada