Daawo Sawirada:- Al-Shabaab oo gubay raashin loo waday shacabka XUDUR

Daawo Sawirada:- Al-Shabaab oo gubay raashin loo waday shacabka XUDUR

daajis.com:- Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay gubeen oo ay dab xoogan qabad-siiyeen gaari Dameero raashin waday, kuna sii jeeday magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool oo ay horey u go’doomiyeen.

Wararka ayaa sheegaya in illaa sagaal gaari Dameer ay gubeen xoogaga Al-Shabaab, iyaga oo u galay duleedka degmada Waajid ee gobolkaasi.

Gaari Dameerada la gubay ayaa sidday raashin noocyo kala duwan leh, waxayna ku socdeen magaalada Xudur ee koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya inay goobta ka baxsadeen, iyaga oo nabad qaba dadkii waday raashinkaasi, ka hor inta aysan soo gaarin Al-Shabaab.

Dhinaca kale ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 60-aad ayaa gurmad u tegay halkaasi, iyaga oo dagaal la galay kooxda Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo soo bandhigay gaaari Dameerada la gubay ayaa sheegay in falkaas kadib ay khasaare gaarsiiyeen dagaalyahanada Al-Shabaab, kadib markii ay kula dagaalameen inta u dhexeysa degmooyinka Waajid iyo Xudur ee Bakool.

Ma’ahan dhacdadan mid ugub ah, waxaana in muddo ah Al-Shabaab ay go’doon ku heysay Xudur iyo deegaanada hoos yimaada, iyada oo arrintaasi saameysay dadka shacabka ah.


Bakool ayaa ka mid ah gobollada dhaca koonfurta dalka, isla-markaana ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab oo weeraro ka fulisa qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada