Raisulwasaare Rooble oo u muuqda inuu ka gudbay xujadii ugu adkeyd ee hor-taallay

Raisulwasaare Rooble oo u muuqda inuu ka gudbay xujadii ugu adkeyd ee hor-taallay

daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa tan iyo markii uu la wareegay xilka waxaa uu wajahayey xujooyin dhowr ah, ayada oo middii ugu adkeyd ee doorashada uu qarka u saaran yahay inuu ka gudbo.

Waxaa xilligaan muuqata in uu miro-dhalayo dadaalkii Rooble ee doorashada oo bishii May ee sanadkaan uu hogaankeeda kala wareegay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, isaga oo la kulmay culeys iyo cago jiid dhinacyo badan ah.

Maamulka Jubbaland ayaa shalay soo dhameystiray xubnihii ku harsanaa ee Aqalka Sare, ayaga oo ka jawaabaya baaqa Ra’iisul Wasaaraha, sidoo kalena maalmaha soo socda ayaa lagu in Galmudug ay shaaciso liiska labada xubnood ee ka dhiman xubnaha ku meteli doona Aqalka Sare.

Beesha Caalamka ayaa garab weyn u noqday dadaalada Rooble, ayaga oo u arka in uu yahay shaqsiga keli ah ee ka go’an tahay hanaanka doorashada iyo inay waqtigeeda ku dhacdo.

Rooble ayaa lagu wadaa in 48 saac ee soo socda uu shir khadka telefoonka ah uu la qaato madaxda maamul goboleedyada, isagoo ka doonaya in muddo sax ah loo sameeyo bilaabashada doorashada Golaha Shacabka oo si weyn u daahday.

Xogta ayaa intaas kusii dareysa in maamulka Jubbaland uu markale noqon doono maamulkii u horeeyay ee qabta doorashada Golaha Shacabka, ayada oo sidoo kale lagu wada inay ku xigi doonaan HirShabelle iyo gobollada Waqooyiga.


Inkasta oo lacagihii lagu qaban lahaa doorashada Golaha Shacabka aan la wada helin, ayaa haddana waxa la xaqiijiyey inay taalo lacag yar oo lagu sii bilaabi karo howshaas, waxaana la filayaa in beesha caalamka ay deg deg u bixin doonaan dhaqaalah dhiman haddii ay arkaan dhaq-dhaqaaq dhab ah oo ku aadan doorashadaas.

Rooble ayaa haddii uu ku guuleysto in labo maamul goboleed ka bilaabo doorashada Golaha Shacabka ka hor bisha 12-aad, waxay ka dhigan tahay inuu toos u dhaqaajiyey tareenka doorashada, wuxuuna sidaas kaga gudbi doona xujadii ugu weyneyd ee xiliga kala guurka.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo xilligan shaqadiisa u weyn tahay in dalka ka gudbiyo xilliga adag iyo inuu qabto doorasho cadaalad ah, ayaa waxaa muuqata in dulqaadkiisa uu ka gudbinayo xarag-jiidkii maamul goboleedyada ee doorashada Golaha Shacabka iyo hagar-daamooyinka Farmaajo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada