Abaabul ka bilowday Muqdisho ee dib usoo celinta ciidankii bad baado qaran

Abaabul ka bilowday Muqdisho ee dib usoo celinta ciidankii bad baado qaran

daajis.com:- Xog ay heshay Warqaad ayaa sheegaya in abaabul uu ka bilowday Muqdisho oo ah in dib loo soo celiyo ciidankii mucaaradka ahaa ee bad baado qaran ee diidanaa muddo kororsiga Hay’adaha Dawlada.

Inkastoo La kala dilay xubnihii ugu muhiimsanaa kacdoonkii bishii April Sanadkaan ayaa hadana General C/raxmaan Comda (Tuur yare) uu hogaamin doonaa bad baado qaran 2.

Kulan ka dhacay Muqdisho shalay ayuu Agaasimihii hore ee NISA C/raxmaan Tuur yare iyo Prof. Jawaari ay kawada hadleen xaalada doorashada iyadoo labaduba loo diiday inay tartan ugalaan kursi ay doonayeen.



Ilo ka ag dhaw Tuur yare ayaa sheegay in ay socdaan abaabulka sidii looga hor imaan lahaa damaca kuwa dalka doonaya inay bur buriyaan oo ay ula jeedeen Villa Soomaaliya hogaankeeda.

Kacdoonkii muddo kordhinta Dawlada lagu diidanaa 7 bil ka hor ka dhacay Muqdisho ee qeybo ka mid ah ciidamada ay dhufeysyada ka qoteen siigaale,barmuudo ilaa Aagga Lambar Afar ilaa Miniraayo ayaa waxa hogaan u ahaa C/llaahi Maxamed Nuur hadda waa Wasiirka Amniga Soomaaliya,General Indha Cade hadda waxa uu taageersan yahay falsafada Dawlada,General Saadaq Joon Hadda Xildhibaan golaha shacabka ayuu doonayaa,Mahad salaad hadda waxa uu yahay mid wakhtigiisa ugu badan ku bixinaya difaacista kursigiisa isagoo waayahaan noqday mid Dawlada ka difaaca kuwa eedeynta usoo jeediya.

Waxa is weydiinta ah Saraakiisha Ciidanka Meliteriga awood ma u yeelan karaan in mar kale ciidankii Sh/Dhexe kasoo galay Xamar ee la magac baxay Bad baado Qaran ay dib usoo laaban karaan.



R/wasaare Rooble ayaa ku guuleystay Bil kadib kacdoonkii jiray inuu xal ka gaaro arintii dhacday,nabadoonimadiisii ayaana shaqeysay oo xilli galab gaab ah ayaa 7 bil ka hor ciidankii dhufeysyada ka qotay caasimada xamar laga saaray.




Doorashada Golaha Shacabka oo inta badan lagu soo saaray xubno ay wadato Nabad iyo Nolol ayaa qeylo dhaan xoog leh laga muujiyey,Ergadii qaar ayaa laga hor istaagay inay codeeyaan sida ay ku andacoodeen,Murashaxiin tartami lahaa waa laga diiday iyadoo Beesha Caalamka ay isha ku heyso marxaladahaasi oo dhan lagana sugayo inay war soo saaraan.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada