Deg Deg Waa kuma shaqsiga ku guuleystay kursigii Jawaari ee doorashadiisa la hakiyay?

Deg Deg Waa kuma shaqsiga ku guuleystay kursigii Jawaari ee doorashadiisa la hakiyay?

daajis.com:- Guddiga maamulayada doorashada K/ Galbeed ee SIET ayaa qabtay doorashada kursiga Hop103 oo ay shalay hakiyeen guddiga heer Federaal ee FEIT, waxaana doorashadii maanta ku soo baxay Maxamed Cali Xasan.

Maxamed Cali Xasan ayaa ah wasiirka Howlaha guud we maamulka Koofur Galbeed waxaana wata madaxweyne Lafta-Gareen.

Kursigaan waxaa hore ugu fadhiyay loona diiday in uu markale u tartamo Prof Jawaari, waxaana muuqato in guddiga maamulka doorashada K/ Galbeed ay si cad udiideen amarkii hakinta doorashada ee guddiga FEIT.

Guddiga Doorashada maamulka Koofur Galbeed iyo waliba Lafta Gareen ayaa heshiis ku ah  boobka kursiga Jawaari iyagoo garab Siinaya Villa Somalia.

Dhanka kale Jawaari ayaa la filayaa inuu isna doorasho ku qabsado magaalada Muqdisho kadib markii uu kulan la qaatay guddiyada doorashada here Federal.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada