Ciidamada Puntland iyo kuwa PSF-ta oo ishor fadhiya iyo dadka oo bilaabay iney qaxaan

Ciidamada Puntland iyo kuwa PSF-ta oo ishor fadhiya iyo dadka oo bilaabay iney qaxaan

daajis.com:- Waxaa wali taagan oo aan xal laga gaarin khilaafka u dhexaya maamulka Puntland iyo Hoggaanka ciidanka PSF iyadoo magaalada Bosaaso laga dareemayo dhaqdhaqaayo ciidan.

Wararka ayaa sidookale sheegaya  xaafadaha qaar laga qaxay cabsi laga qabo inuu dagaalka bilowdo aawadeed arrintaasi oo ay dowladdu ka digtay.

Ciidamo taabacsan dowladda oo maalmihii ugu dambeeyay ay kusoo daabuleysay Boosaaso ayaa dhufeyso qotay kuwaa oo sugaya amarka saciid deni si ay u weeraraan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta.

Arrintan ayaa imaneysa kaddib markii dhawaan uu madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, soo saaray xeer madaxweyne oo uu ku magacaabayay agaasimaha cusub ee hay’adda PSF balse hoggaanka hay’addaasi ayaa magacaabistaasi iyo xil ka qaadistii agaasimihii hay’addaasi ku tilmaamay sharcidarro.

Isimada Puntland oo khilaafkan ayaa ka hadlay ayaa dalbaday in wax walbo wadahadal lagu dhameeyo balse waxaa muuqata in Labada dhinac aysan warkaasi dhag jalaq usiinin.

Ciidamda PSF ayaa dhufeyso ka qotay meelaha ay kaga sugan yihiin Garoowe, Qardho iyo waliba Boosaaso iyagoo uga digay dowladda iney soo weerarto.

Saciid Deni ayaa la sheegay in ciidankan uu u adeegsan rabay arrimo siyaasadeed balse waxaa hor istaagay reer Diyaano oo ciidankan gacanta ku hayo.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada