Xasaasi: Dowladda Federalka oo qorsheyneysa in doorashada Golaha Shacabka ay ka wareejiso Baladweyne

Xasaasi: Dowladda Federalka oo qorsheyneysa in doorashada Golaha Shacabka ay ka wareejiso Baladweyne

daajis.com:- Gobolka Gedo, magaalada Garbahaareey ayaa iyadna hore loogu asteeyay inay ka dhacdo doorashada 16 kursi oo ka mid ah kuraasta yaala dowlad goboleedka Jubaland.Sida aan xogta ku helnay iskudaygan ay dowladdu damacsantahay inay doorashada uga soo wareejiso magaalada Beledweyne ayay sabab uga dhigayaan ineysan suurtagal aheyn in doorasho ka dhacdo magaalada Beledweyne iyagoo sheegay in loo diiday inuu tago Madaxweynaha Hirshabelle magaalada Beledweyne oo ay sheegeen inay mas’uuliyadiisa ka mid tahay qabashada doorashada si la mid ah midii Aqalka Sare ee lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Jowhar.

Hase yeeshee doodan mid ka duwan waxaa qaba siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ka soo jeeda gobolka Hiiraan kuwaas oo ku adkeysanaya iney doorashadu ka dhacdo magaalada Beledweyne.

Xogta ayaa sidoo kale tibaaxeysa in xubno ka tirsan beesha caalamka kuwooda ka howlgala Muqdisho ay dowladu la wadaagtay ineysan suurtagal aheyn doorasho in ay ka dhacdo magaalada Beledweyne hadii aanu madaxweynihii dowlad goboleedka Hirshabelle tagi karin mid ka mid ah labadii deegaan ee loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka. Balse sida ku cad heshiiskii 17-kii Sibteembar, 2020, iyo midkii 27 May, 2021 ayaa labaduba dhigaya in doorashada xubnaha baarlamaanka Aqalka Hoose ay ka dhacdo laba deegaan oo ka mid ah dowlad goboleed kasta ee hore loogu asteeyay.

Tan iyo markii madaxweyne loogu doortay Cali Guudlaawe magaalada Jowhar oo hore madaxweyne ku xigeen ugu ahaa maamulkaas labadii madaxweyne ee ka horeeyay oo ka soo jeeday gobolka Hiiraan, ayaa kacdoon ka dhan ah Hirshabelle ka bilowday degaamo ka tirsan Hiiraan oo uu horkacayo Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud kuwaas oo diidan hanaanka saami qeybsi ee dowlad goboleedka Hirshabelle ku dhisantahay, iyagoo ku doodaya in Gobolka Shabeelada dhexe isku darsaday caasimadii iyo xilalka kale ee ugu sareeya dowlad goboleedka Hirshabelle oo uu ku jiro midka madaxweynaha.

Qorshahan cusub ee wali socda ee dowladdu damacsantahay inay degaan doorasho ku bedesho wuxuu ku soo beegmayaa xilli ay tabashooyin farabadan ka soo baxayaan boob iyo ku shubasho la sheegay in loo geystay kuraasta qaar lagu soo doortay dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo midowga musharixiinta ay sheegeen in hanaanka doorasho ee kuraastaas loo maray ay diidanyihiin, iyagoo ku goodiyey inay ka tashanayaan hadii aan wax laga qaban tabashooda.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada