BREAKING: Ciidammo fara-badan oo galay Boosaaso, xiisad dagaal & PSF oo soo baneysay jiidaha

BREAKING: Ciidammo fara-badan oo galay Boosaaso, xiisad dagaal & PSF oo soo baneysay jiidaha

daajis.com:- Ciidammo fara-badan ayaa gaaray saacadihii lasoo dhaafay duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, kuwaas oo katirsan Daraawiishta Puntland.

Ciidammada kasoo baxay xeryaha Ciidammada ee gobalka Mudug, ayaa waxaa amray Madaxweyne Siciid Deni, kaddib khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo hoggaanka Ciidanka PSF ee uu maanta xilka ka qaaday.

Sidoo kale, Ciidammo badan oo katirsan PSF, kana gadoodsan xil ka qaadistii Agaasimaha Hay’adda Ciidanka PSF Maxamuud Diyaano, ayaa gaaray magaalada Boosaaso, kuwaas oo kasoo baxay jiidaha dagaalka ee Buuraleyda gobalka Bari, ee Galgala iyo Sugurre.

Taliska Ciidanka Ciidanka PSF ayaa qoraal ay ku baahiyeen bartooda Facebook, kaga horyimid xil ka qaadista uu ku sameeyay Maxamuud Diyaano.

Wixii kasoo kordha nakala soco 







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada