Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka dhaqaallaha ee ka dhacay Stanbuul

Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka dhaqaallaha ee ka dhacay Stanbuul

daajis.com:- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Khaliif Cabdi Cumar oo ku sugan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa halkaas kaga qeyb-galay shirka 37aad ee ay iskugu yimaadaan Wasiirada Dhaqaalaha ee Ururka Iskaashiga Wadamada Islaamka oo ay Soomaaliya na ka mid tahay.

Shirka oo uu guddoominaayey Madaxweynaha, Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, ayaa khudbad uu Wasiirku halkaas ka jeediyey, waxa uu kaga hadlay saamayntii COVID-19 iyo sida muddooyinkii dambe uu u soo kabanaayey dhaqaalaha Soomaaliya oo uu sheegay burbur iyo dagaalo sokeeye ka dib in uu maanta meel wanaagsan maraayo dhaqaalaha dalku.

Wasiirku, wuxu sheegay inay Soomaaliya ka mid ahayd 36kii wadan ee ugu horreeyey ee saxeexay heshiiska uu ku dhisan yahay ururka Iskaashiga Wadamada Islaamka isla-mar-ahaantaana ay wakhtigan Soomaaliya u diyaarsan tahay iskaashiga dhinaca ganacsiga maadaama ay lee dahay siyaasad cad oo ay ku waajahdo arrimaha ganacsiga aduunka sidoo kale na wakhtigan ay heshiisyo ganacsi oo meel wanaagsan maraaya ay la galayso wadamada Islaamka ugu waaweyn ee Turkiga iyo Indonesia.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada