Ciidamada PSF-ta Puntland oo baneeyay furimaha dagaalka & kuwo kale oo la wareegay

Ciidamada PSF-ta Puntland oo baneeyay furimaha dagaalka & kuwo kale oo la wareegay

daajis.com:- Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland oo wata gaadiidka dagaalka noocyadiisa kalan ayaa xalay xilli dambe gaaray saldhiga weyn ee degaanka  Sugurre kadib markii ay soo banneeyeen Ciidanka PSF-ta Puntland.

Ciidankaas oo u badan kuwo laga keenay Gobolka Mudug ayaa sida wararku sheegayaan isku fidiyay dhammaan goobihii ay ka soo baxeen Ciidanka PSF oo ka gadooday xilka qaadis lagu sameeyay Agaasimahoodii.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa bilaabeen howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga, isla markaana dhamaan ay isku fidiyeen Xeryaha Ciidamada ee degaanka Sugurre ee Gobolka Bari.

Degaanka ay Ciidamada Daraawiishta Pungland la wareegeen ee Degaanka Sugurre oo ka tirsan buuraleyda Golis waxaa saldhig weyn ku lahaa Ciidanka PSF oo halkaas ka fulin jiray weeraro lagu beegsado dagaallamayaasha Al-Shabaab.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada