Haweeney loo Magacaabay xil Raisul Wasaare oo saacado ka dib iscasishay

Haweeney loo Magacaabay xil Raisul Wasaare oo saacado ka dib iscasishay

daajis.com:- Magdalena Andresson oo aheyd Haweeneydii ugu horeysay oo Ra’iisal Wasaare ka noqota dalka Sweden ayaa is casishay, kadib markii loo magacaabay jagadaasi saacado ka hor.

Mss. Andresson ayaa loo magacaabey jagadan maanta, laakiin way is casishay, kadib markii ay isbaheysigeeda ay jaalka ahaayeen ka baxeen dowladda, iyadoo miinsaaniyada dhaqaale ee dowladeedana meel marintiisa uu fashilmey in la ansixiyo.

Taa badalkeeda, baarlamaanka ayaa u codeeyey miisaaniyad dhaqaale ay soo diyaariyeen mucaaradka, oo ay ku jiraan kuwa kasoo horjeeda soo galootiga, oo ka socda dhanka axsaabta midigta fog.

Ra’iisal wasaare Andersson, ayaa u sheegtay warfidiyeenka iney u gudbisay afhayeenka Baarlamaanka doonisteeda is casilaadda.

Waxey intaa ku dartey iney ku dadaaleyso iney noqoto Ra’iisal wasaare mar kale, iyadoo markan ku soo galeysa dowladda hal xisbi ah.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada