Imaaraadka oo wada-hadal la furay Taalibaan iyo qorshaha uu ka damacsan yahay

Imaaraadka oo wada-hadal la furay Taalibaan iyo qorshaha uu ka damacsan yahay

daajis.com:- Imaaraadka Carabta ayaa kusoo biirtay loolanka ay Dowladaha Turkiga iyo Qatar ku doonayaan inay saameyn ku yeeshaan Kooxda Taliban ee la wareegtay Afgaanistaan sida laga soo xigtay afar ilo diblomaasiyadeed oo arrintan wax ka og.

Imaaraadka ayaa kooxda Taalibaan usoo bandhigtay qorsho ay dooneyso in lagu siiyo maamulka Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Kabul.

Saraakiisha Imaaraadka Carabta ayaa wada-hadalo xiriir ah la yeeshay kooxda Taliban todobaadyadii la soo dhaafay si ay uga wada-hadlaan sidii loogu wareejin lahaa garoonka diyaaradaha ee u adeegaya isku xirka hawada ugu muhiimsan ee Afgaanistaan ku leedahay caalamka, sida ay wakaalada wararka ee Reuters u sheegeen diblamaasiyiinta shisheeye ee fadhigoodu yahay gobolka khaliijka.

Warbixinta la xiriirta qorshaha Imaaraadka waxay ku soo beegantay  xilli uu dhaxal-sugaha Abu Dhabi, Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan ku joogo dalka Turkiga safar uu ujeedkiisu yahay heshiisyo maalgashi.

Kulanka uu Sheekh Maxamed kula yeeshay magaalada Ankara Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, waa booqashadii ugu horreysay ee labada dhinac ay ku kulmaan muddo sannado ah, wuxuuna kusoo aadayaa xilli uu loolan adagi ka dhex aloosan yahay gobolka.

Dowladaha Qatara, Turkiga iyo Imaaraadka ayaa ku loolamayo sidii ay dowlad kasta u muujin laheyd xiriirka dhow oo ay la leedahay Dowladda ay dhisatay Kooxda Taliban oo aan weli helin aqoonsi Caalami ah.

Imaaraadka ayaa aad u daneynaya in ay ka hortagaan maqaamka diblumaasiyadeed ee Qatar ay ku leedahay Afgaanistaan, sida laga soo xigtay afartan ilood oo diiday in magacooda la shaaciyo sababo la xiriira xasaasiyadda ay leedahay.

Qatariyiinta ayaa gacan ka geysanayay maamulida garoonka caalamiga ah ee Hamid Karzai, iyadoo ay wehliyaan Turkiga, waxayna kaalin weyn ka qaateen dadaalkii daadgureynta ka dib bixitaankii Mareykanka ee bishii August, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin inay la wareegaan howlaha.

Si kastaba ha ahaatee, Taliban wali si rasmi ah uma ay samayn heshiis ay la gashay Qatar, ayay yiraahdeen afarta diblamaasi.

Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka ayaa sheegay in Imaaraadka oo horey u maamuli jiray garoonka diyaaradaha ee Kabul, xilligii jamhuuriyadda Afgaanistaan ee uu Maraykanku taageerayey, “ay ka go’an tahay sii wadida ka caawinta ka shaqaynteeda”, si loo fududeeyo howlaha bini’aadanimo iyo marin ammaan ah.

Labo ka mid ah diblamaasiyiinta ayaa sheegay in Taalibaan ay sidoo kale kaalmo dhaqaale ka dalbadeen Imaaraadka, inkastoo ay raaciyeen inaysan caddayn in arrintani ay la xiriirto wada-hadalladii garoonka diyaaradaha.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka oo lagu magacaabo Salem Al Zaabi, oo ah agaasimaha iskaashiga amniga caalamiga ah ayaan ka jawaabin su’aal ahayd in Imaaraadka uu ka fikirayo in uu taageero dhaqaale siiyo Taliban.

Qodobka ugu weyn oo illaa hadda aysan ka heshiin Taliban iyo cidda lagu wareejinayo maamulida howlaha Garoonka ayaa ah cidda sugeyso ammaanka Garoonka.

Talibanka ayaa sheegtay in aysan dooneyn in dalka ay joogaan ciidamo shisheeye, kadib markii ay dib ugu soo laabteen xukunka kadib labaatan sano oo dagaal ah.

Ciidamada gaarka ah ee Qatar ayaa hadda sugaya ammaanka xayndaabka garoonka, iyadoo ciidamada gaarka ah ee Taliban ay gaaf wareegayeen aagaga bannaanka ah.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada