Afar arrin oo sabab u ah inuu KHEYRE noqdo musharaxa kaliya ee ku qanacsan sida doorashada ay u socoto

Afar arrin oo sabab u ah inuu KHEYRE noqdo musharaxa kaliya ee ku qanacsan sida doorashada ay u socoto

daajis.com:- Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa noqday musharax kaliya ee hambalyo u diray shantii xubnood ee Golaha Shacabka ee la doortay maalintii Talaadada.

Dhammaan xubnaha kale ee mucaaradka ayaa ka aamusay oo diiday inay soo dhaweeyaan kuraasta shalay la doortay ee reer Woqooyiga.

Isweydiinta ugu badan ayaa noqotay sababta uu Kheyre u soo dhaweeyey doorasho ay saaxiibadiis ka amuuseen.

Midowga musharixiinta dhexdooda laba musharax ayaa gooni ka ah oo kaga aragti duwan xubnaha kale sida loo wajahayo diidmada Doorashada. Mid waa Xasan Cali Kheyre, midna waa Shariif Sheekh Axmed.

Labadaas nin waxaa agtaala ayaa la leeyahay rajo meel kale ka muuqata. Inkastoo ay jiraan warar sheegaya in Sheekh Shariif maalmahaan isbadal ku dhacay oo uu kasoo niyad jabayo habka ay ku socoto doorashada, haddana Xasan Cali Kheyre wuxuu weli u muuqdaa siyaasiga kaliya ee mucaaradka ka tirsan oo ay shaqo fiican u socoto.

Afar arrimood ayaa sal looga dhigay qanaacada doorasho ee ka muuqata musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre.

1-  Soo saarista Xildhibaanada

Marka laga hadlayo musharixiinta mucaaradka, Xasan Cali Kheyre waxaa la sheegay inuu yahay ninka ugu badan ee ka shaqeeya arrimaha soo saarista xildhibaanada.

Lacag badan ayaa la sheegay inuu ku bixiyey inuu soo saarto Senatoro iyo xubno golaha Shacabka ah. Walaac badan kama qabo dadka soo baxay oo la fahamsan yahay inuu si weyn ugu dhex jiro

2- Xubnaha reer woqooiga

Marka laga tago Farmaajo, Xasan Cali Kheyre waa siyaasiga ugu badan oo ay reer Woqooyiga rabaan ama ay u arkaan inay shirko la noqon karaan, sida ay sheegayaan dadka siyaasadda gudaha xog-ogaalka u ah.

Xubnaha soo baxay ee reer woqooyiga qaar ayaa si aan qarsooneyn ugu ololeeya Xasan Cali Kheyre, waxaana la sheegay inay weli shaqo badan ugu dhex socoto xubnaha reer waqooyiga ee u sharaxan Golaha Shacabka, waana sababta uu mar walba ula garab taagan yahay guubaabada iyo dhaqaalaha.

3- Xukuumadiisii hore

Xasan Cali Kheyre xubnaha soo baxay illaa iyo hadda ama kuwa heysta fursadda ugu fiican ee Xildhibaanimo waxay u badan yihiin xubnihii xukuumadiisa.  Kooxda Farmaajo walaac badan kama qabto xubnahaas oo ay iyaguba u arkaan inay abaal ku leeyihiin .

Waxaa la sheegay inuu Kheyre aaminsan yahay inuu dadka oo dhan uga dhow yahay xubnahaas oo ay ka dhaxeyso wanaag hore, maadaama uu madax usoo ahaan jiray

3- Lacagta

Kheyre, Farmaajo iyo Deni waxaa loo arkaa seddexda nin ee lacagta ugu badan heli kara ama heysta ee ku jira tartanka doorashada ee sanadkaan.

Xubnaha ololaha ee Xasan Cali Kheyre waxay lacag badan ku taageereen sida la sheegay Xildhibaano iyo Senataro, waxayna weli aaminsan yihiin in haddii doorashadaan dhaqaale ku xiran tahay inaan lacag looga adkaan karin.

Aftartaas qodob ayaa la sheegay inay Kheyre ku rideen dareen geesinimo ah oo uusan kaga baqeyn sida illaa hadda ay ku socoto doorashada guud ee dalka.

Dadka uu soo saartay iyo kuwa uu hadda kaalmada maaliyadeed la garab taagan yahayba inay codka siin doonaan iyo in kale waa dood furan, balse shaqada uu doorashada ka dhex qabanayo Ra’isul wasaarihii hore waa mid xooggan.




Inkastoo Xasan Cali Kheyre uu illaa iyo xad ku qanacsan yahay sida ay doorashada ku socoto, haddana xubaha kale ee mucaaradka ma qanacsana.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada