Cabsi amni oo laga muuciyay diyaaradaha drone ka ee lagu qabtay Mogadishu

Cabsi amni oo laga muuciyay diyaaradaha drone ka ee lagu qabtay Mogadishu

daajis.com:-  Musharax Madaxweyne C/raxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa markii ugu horeysay ka hadlay diyaarado drone ah oo dhawaan Nabad sugida qaranka ay ku qabteen garoonka diyaaradaha Muqdisho.

C/raxmaan C/shakuur ayaa xalay isku daygii dil ee uu ka badbaaday Ra’iisal wasaaraha Ciraaq mustafa Alkadhiimi iyo arinta diyaaradaha lagu qabtay garoonka Muqdisho ay shaki badan abuurtay isku ekaanshiyahooda.



Shakuur ayaa sheegay in loo adeegsaday iskudaygaasi fulintiisa aaladda Drones-ka ah,ayna tahay mid ubaahan in laga feejignaado arinta drone-ka la keenayo Dalka soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale murashax c/raxmaan c/shakuur uu ka codsaday hay’adaha iyo Dawladaha ka gacan siiya dalkeenna tababarka ciidamada in ay hubiyaan nooca drone ee lagu qabtay Muqdisho iyo halka ay u socotay.


Diyaaradaha lagu qabtay garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan ee Muqdisho ayaa waxa iska leh xildhibaan sakariye maxamuud xaaji cabdi kaas oo sheegay in shirkadiisa HUFAN ay ka keensatay dalka Turkiga sifo sharci ahna ay dalka ku timid diyaaradahaasi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada