Cali Guudlaawe oo la kulmay qaar ka mid ah duubabka dhaqanka Hirshabelle

Cali Guudlaawe oo la kulmay qaar ka mid ah duubabka dhaqanka Hirshabelle

daajis.com:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay qaar kamid ah duubabka dhaqanka Hirshabeelle.

Madaxweynaha iyo duubabka dhaqanka ayaa iska xog waraystay xaaladaha guud ee deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan Arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay duubabka doorka muuqda ay ku lahaayeen dhismihii Dowladda Hirshabeelle iyo doorkii muuqda ay ku lahaayeen dowlad dhiskii Soomaaliya, isagoo u sheegay inay door muuqda ku yeelan doonaan doorashada Golaha Shacabka oo si daah furan uga qabsoomi doonta Hirshabeelle.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli aysan weli ka bilaaban doorashada Golaha Shacabka dowlad goboleedka Hirshabelle.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay warar aan la xaqiijin oo sheegaya in doorashada golaha shacabka ee lagu waday in lagu qabto magaalada Beledweyne loo soo wareejin doono caasimada dalka ee Muqdisho.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada