Ciidanka PSF oo sheegay in aysan ka amar qaadan doonin maamulka Madaxweyne Deni

Ciidanka PSF oo sheegay in aysan ka amar qaadan doonin maamulka Madaxweyne Deni

daajis.com:- Warsaxaafeed kasoo baxay ciidanka maamulka Puntland ee lagu Magacaabo PSF ayaa lagu sheegay in aysan ka amar qaadan doonin Madaxweynaha Puntland ka dib markii uu khilaaf xooggan ka dhashay xilka qaadistii lagu sameeyay Agaasimihii Hay’adda.

Taliska ciidanka ayaa sheegay in ay u diyaarsan yihiin ka difaacida Shacabka Daacish iyo Shabaab, islamarkaana ay ka madax banaan yihiin arrimaha Siyaasadda.

Iyadoo aan tixraacayno dhacdooyinkii mudadan socday, PSF waxay soo saartay War-Murtiyeedkan

1. Waxay saraakhiisha iyo Ciidanka PSF u dhisanyihiin la dagaalanka argagixisa- dda iyo cadowga Puntland.

2. Waxaa loo soo faragaliey hawshii iyo maamulkii PSF si’aan waafaqsanayn xee- rarka iyo wadashaqeynta noo dhaaysa Dowladda, waxaana hagardaamadaan soo socotay muddo dheer oo aan ku sabirnay

3. Hadda waxay xaaalad  mareysaa saaxiibadeenii ciidanka kale ahaa in lasoo daabulo si’aan annagu isku dilno, saaxiibadeeen annaguna dili m ayno ayaguna na weerari mayaan.

4. PSF ka qaadan mayaan hawlgalada amni kuwii shalay cadowga la shaqeyna- yey oo annagu aan ka difaacaynay.

5. Ciidanka PSF iyo saraakiishoodda waa kuwo tayo iyo tabarba ku fiican kuna filan amniga shacabkooda insha allaah.

6. PSF waa ciidan aan ku milneyn siyaasadda iyo ururadda, haddana waxaa si’u la kac lihi loo faragalinayaa ujeed adaas awgeed.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada