Daawo Sawirradda: arin layaab leh oo ka dhalatay kadib dooro ay Amisom siiyeen haween Soomaali ah

Daawo Sawirradda: arin layaab leh oo ka dhalatay kadib dooro ay Amisom siiyeen haween Soomaali ah

daajis.com:- Hadal xoogan iyo dhalleeceyn ayaa ka dhalatay dooro ama digaag ay ciidamada Amisom siiyeen haween Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose.

Qoraal lasoo dhigay twitter-ka AMISOM oo ay sawirro la socdaan ayaa lagu yiri “Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ayaa dooro siiyey koox haween ah oo ku sugan Dhoobley si ay ganacsi ugu billaabaan taasi oo qeyb ka ah isku day ballaaran oo dhaqaale ahaan lagu xoojinayo haweenka aagaas.”

“Doorada ayaa gacan ka geysan doonta horumarinta suuqa digaagga. Ayada oo la dagaalameysa argagixisada, AMISOM waxay sidoo kale caawineysa horumarinta noloshada bulshada ayada oo loo marayo dhaq-dhaqaayada iskaashiga rayidka iyo militariga.”

Dad badan oo Soomaali ah ayaa qoraalka AMISOM uga falceliyey qosol halka qaar kalena ay caro ka muujiyeen kuna macneeyeen igu sawir.

Anwar oo ka mid ah dadka ka falciyey ayaa yiri: “Astaan cad oo ku saabsan in AMISOM ay faham gaaban ka haysato dahqanka Soomaaliyeed.”

Qof twitter ugu qoran yahay Justice ayaa yiri: “Tani waxay xadgudub ku tahay garashada dadka Soomaaliyeed. Sameeya wax la taaban karo ama naga joojiya qashinka. Sanadkii tegay ciidanka Kenya waxay sheegeen inay dhisayaan garoonka diyaradaaha Dhoobley, waxbana kama aysan qaban. Haddana isla Kenyan-kii ayaa lix dooro ku deeqaya. Ka taga Soomaaliya un.”

Qof ay ugu qoran tahay Soomaaliya Ha Noolaato ayaa isna yiri “Umad la sixray haddaad rabtid inaad aragto waa kuwaan. Ka saara Amisom Soomaaliya, hadda.”

Cabdiqani ayaa isna yiri “Soomaaliyey dullinimo goorma ayaad ka baxesaan sharafta Allah ha idin ka qaado ma dhahee?”

Caadil ayaa isna yiri “War run miyaa waxa meesha ku qoran mise anaa waalan, maxaa waaye dooro 4 xabo ah oo la qeybinayo. 900 milyan ayaa sanad walba ku baxdo AMISOM, nacalad ha ku dhacdo, waxan maxaa waaye.”







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada